Muddada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono, Kulamada Uu Seegi Doono Iyo Xaaladda Dhaawaca Marcelo Oo Madax-xanuun Ku Riday Tababaraha Cusub Ee Real Madrid

Real Madrid ayaa kulamada soo socda waayi doonta adeegga laacibka baasha bidix ee Marcelo oo dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Barcelona ku burburisay Axaddii, markaas oo garoonka laga saaray qaybtii labaad.

Baadhitaan lagu sameeyey ayaa waxa lagu ogaaday in Marcelo uu muddo ka maqnaan doono kooxdiisa oo aanu kusoo laaban doonin, xilli loo qabo baahi ka badan intii hore maadaama tabababaraha cusub ee Solari uu qorshihiisa udub-dhexaad uga dhigay.

Warbixin ay Real Madrid kasoo saartay Caafimaadka Marcelo ayaa waxay ku sheegtay in laga daweeyey dhaawac muruqa lugta midig ah oo soo gaadhay ciyaartii Barcelona, waxaana uu seegi doonaa afar ciyaarood oo ay ku jirto ciyaartii xalay ay guusha lagu diirsaday kasoo gaadheen Melilla ee tartanka Copa del Rey.

“Baadhitaan lagu sameeyey Marcelo xarunta adeegga caafimaadka ee Real Madrid, waxa lagaga daweeyey dhaawac muruqa lugta midig ah, xaaladdiisana waa la qiimaynayaa.” Sidaas ayaa lagu yidhi warka Real Madrid kasoo saartay.

Dhaawacan ayaa uu ku maqnaan doonaa muddo laba toddobaad ah oo Real Madrid ay ciyaari doonto laba kulan oo horyaalka LaLiga ka tirsan iyo mid Champions League ah oo ay waajihi doonto kooxaha Real Valladolid, Viktoria Plzen iyo Celta Vigo, waxaana la filayaa in xilliga ciyaaraha caalamiga ah loo baxayo ee badhtamaha bishan November uu dib ugu soo laabto tababarka.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*