Muxuu Paul Pogba U Sheegay David de Gea Markii Uu Badbaadinta Yaabka Leh Ka Sameeyey Kubaddii Madaxa Ee Antonio?

Manchester United ayaa shalay guul 2-1 ah ka gaadhay West Ham oo ugu timid Anfield, laakiin waxa mahadda saddexaad dhibcood iska lahaa goolhaye David de Gea oo sameeyey badbaadin layaab leh kaddib markii uu weeraryahanka Michail Antonio ka qabtay kubbad shabaqa sii galaysay.

Man United oo gool la hormartay ayaa waxa ka daba yimid Felipe Anderson oo goolka barbar-dhaca u dhaliyey West Ham, laakiin Pogba ayaa mar kale gool rikoodhe ah u saxeexay kooxdiisa, laakiin ciyaarta ayaa u dhowaatay inay barbar-dhac noqoto markii uu Antonio oo beddel kusoo galay uu kubbad wareer ah birta uga jaray De Gea, mar kalena kubbad uu madax ku qabtay uu dirqi goolkiisa kaga saaray goolhayaha reer Spain oo iskula kala-bixiyey gacanta midig ka hor intii aanay Red Devils helin goolkeeda labaad.

Pogba ayaa ka falceliyey kaalintii uu De Gea ku lahaa guushooda, waxaana uu tilmaamay in goolhayahani uu mar walba sameeyo waxyaabo isaga caadi u ah laakiin ay dadka kale la yaabaan.

“David waa David. Waan garanaynaa. Tani wax cajiib ah umay ahayn, waananu la qabsanay, waxaanan rajaynayaa in badbaadinta noocaas oo kale ah aanu sii wadi doono.” Sidaas waxa yidhi Pogba oo xalay u warramay telefishanka Manchester United ee MUTV.

“Waan u sheegay, waxaanan ku idhi ‘Adiga waxani caadi ayay kuu yihiin, markaa kuuma hambalyaynayo.’ Waxba kumaan odhanin, sababtoo ah waa u caadi.” Ayuu mar kale yidhi Pogba oo sidoo kale tilmaamay in Dea Gea uu yahay goolhayaha ugu wanaagsan, iyaguna ay nasiib u yeesheen inay haystaan.

Goolhaye David De Gea oo isagana wax laga  waydiiyey badbaadinta uu sameeyey, ayaa waxa uu yidhi: “Mararka qaarkood marka kubadda madaxa ah dhulka laguugu dhufto, aad ayay ugu adag tahay goolhayeyaasha, maadaama aanay garanayn jihada kubaddu u dhaqaaqayso, markaa waa inaad si degdeg ah u falceliso. Anigu kaliya kooxda ayaan caawiyey, waxaan sameeyey badbaadin, ciyaartana waanu ku guuleysanay.”

De Gea waxa kale oo uu qiray in kooxdiisu ay dhibaato kala kulantay qabashada Michail Antonio oo beddel kusoo galay ciyaarta oo dhamaad ku dhow, waxaanu yihi: “Antonio aad ayuu u wanaagsanaa 15kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey, wuxuu nagu abuuray khatar badan, birta ayuu kubadda noogu dhufay. Markii aan badbaadinta sameeyey waxay ciyaartu ahayd 1-1, kaddib waxaanu helnay rikoodhe aanu ku guuleysanay. Waanu ku faraxsanahay guusha, sidoo kalena waxaanu u baahanahay inaanu horumar badan samayno.”

Guushan ay gaadhay Manchester United Sabtidii ee ay West Ham 2-1 kaga qaadatay saddexda dhibcood ayaa timid xilli ay Red Devils dhibaato xun ku jirto oo shan ciyaarood gudahood afar mar laga badiyey.