NBA: Los Angeles Lakers Iyo Xiddigeeda LeBron James Oo Guul-darradii Labaad Oo Xidhiidh Ah Loo Xambaariyey + Natiijooyinka Ciyaarihii Kale Ee Xalay

Kooxaha horyaalka kubadda kolayga Maraykanka ee NBA ayaa ciyaaray kulamadoodii labaad, waxaana kasoo baxay natiijooyin naadiyada qaarkood niyad jab ku riday, halka kuwo kalena ay niyad samaan iyo raynayn ku dhamaysteen.

Los Angeles Lakers ayaa xalay garoonkeeda kusoo dhawaysay naadiga xiddigaha badan joogaan ee Houston Rockets, waxaase ay kala kulantay guul-darro kale, iyadoo kulaneedii hore ee furitaankana sidan oo kale loogu garaacay garoonka Portland oo ay u safartay.

James Harden ayaa boodhka ku qasay, maqane joogana ka dhigay LeBron James, waxaana uu kalidii dhaliyey 36 dhibcood oo ka caawiyey Houston Rockets inay dariiqa guusha kusoo laabato kaddib guul-darradii kulankii hore ay kala soo kulmeen New Orleans Pelicans oo si xun u jarjartay, waxaana saaciday Chris Paul oo isaguna dhaliyey 28 dhibcood iyo toban kale oo caawin ah ka hor intii aanay Lakers kaga adkaanin 124-115.

Qaybtii koowaad ee ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 31-28 ay Houston Rockets guusha la nasatay, hase yeeshee qaybta labaad ayaa ay labada kooxoodba si adag u dagaallameen, waxaase dhibic la sare martay Rockets keensatay 35 dhibcood, halka Lakers ay 34 dhibcood dhashatay. Qaybtii saddexaad ayaa ay Los Angeles Lakers guul heshay iyadoo ku badisay 32-35, hase yeeshee qaybtii u dambaysay ee afraad ayaa waxa si weyn u gacan sarraysay Houston Rockets oo la timid 25 dhibcood iyo Lakers oo 18 kaliya urursatay. Isku-geyn, ciyaarta ayaa ku dhamaatay 124-115 ay guushu ku raacday Houston Rockets, waxaana sidaas guul-darradii labaad oo xidhiidh ula hoyatay Los Angeles Lakers

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*