Neymar Jr Oo Xalay Dhigay Taariikh Ay Samayn Kari Waayeen Xiddigihii Reer Brazil Ee Kaka, Ronaldinho, Rivaldo, Ronaldo Nazario Iyo Romario

Xiddiga PSG ee Neymar ayaa xalay dhaliyey goolka guusha u horseeday PSG kulankii ay garoonka Parc des Prince 2-1 kaga adkaadeen Liverpool.

Goolka uu Neymar dhaliyey ayaa ahaa midkiisii 31aad ee tartanka UEFA Champions League uu ka dhaliyo, waxaanu dhaafay rikoodhka ciyaaryahannada ugu goolasha badan tartankan ee kasoo jeeda dalkiisa Brazil.

Ricardo Kaka oo haystay rikoodhka xiddiga ugu goolasha badan Champions League ee kasoo jeeda Brazil ayaa AC Milan iyo Real Madrid u dhaliyey 30 gool, hase yeeshee Neymar oo waayihiisa qaaradda Yurub ku bilaabay saddexley uu u dhaliyey Barcelona kulan ay xili ciyaareedkii 2013-14 la ciyaareen Celtic oo ay isku beegmeen marxaladda Group-yada, ayaa dhaafay rikoodhka Kaka.

Shan sannadood oo uu ka ciyaarayey Yurub, waxa uu Neymar awood u yeeshay inuu dhaliyo 31 gool oo Champions League ah, waxaana 21 ka mid ah goolashaas uu u dhaliyey Barcelona intii u dhaxaysay 2013-2017, tobanka gool ee kalena waxa uu u saxeexay PSG oo sannadkiisii labaad uu ku qaadanayo.

Xiddigaha reer Brazil ee goolasha ugu badan ka dhaliyey tartanka Champions League

  1. Neymar – 31 Gool
  2. Ricardo Kaka – 3- Gool
  3. Rivaldo – 27 Gool
  4. Ronaldo – 14 Gool
  5. Adriano – 14 Gool