Niyad-Jab: Liiska Ciyaartoyga Real Madrid Ee Caawa Waajahaya Barcelona Oo Laga Reebay Ciyaartoy Muhiim Ah

Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Santiago Solari ayaa liiska ciyaartoygiisa ee uu caawa kala hor tegayo Barcelona uu ka reebay laacib muhiim ah oo jamaahiirta Los Blancos ay jecel yihiin inuu kasoo muuqdo kulamada El Clasico.

Santiago Solari oo soo saaray liiska 19-ka ciyaartoy ee kulanka caawa ee Santiago Bernabeu uu u qaatay ayaa waxa uu ka saaray Isco oo kasoo laabtay dhaawac dhabarka ah, sidaas oo kalena waxa laga tegay Mariano Diaz, Brahim Diaz iyo Jesus Vallejo.

Tababaraha reer Argentine ayaa 19-ka ciyaartoy ee liiska hore ee qaddinka ah, aan ku soo darin Isco oo la filayey inuu kaydka kasoo muuqdo, waxaanay arrintani sii murgisay xaaladda laacibka reer Spain oo gebi ahaanba uu tababare Solari ka saaray liiska xiddigaha muhiimka u ah.

Dhakhaatiirta kooxda ayaa si buuxda u shaaciyey in Isco uu taam u yahay ciyaartan maadaama uu afar kulan oo hore dhaawac ku seegay.