PSG Oo Ugu Dambayn Go’aansaday Inay Dalab Ka Gudbiso Alexis Sanchez

Xiddiga Manchester United ee Alexis Sanchez ayaa waxa doonaysa kooxda kubadda cagta waddanka Faransiiska ee PSG oo dalab ka gudbin doontaa xagaaga.

29 jirkan baasha hore ka ciyaara ayaa waxa ay diiradda PSG saarnayd sannadkii hore intii aanu go’aansanin inuu ka tago Arsenal ee aanu heshiiska u saxeexin Manchester United, hase yeeshee intii uu ka hoos ciyaarayay Jose Mourinho ayaa uu ku dhibaaday naadigiisa cusub, taas oo keentay in laga saaro safka koowaad marar dhawr ah.

Xiddiga reer Chile oo toddobaadkii ka xoogsada Manchester United lacag dhan £505,000 ayaa ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan kooxdaas, waxaase ay PSG ku doonaysaa lacag jaban ama heshiis xor ah.

Sida uu qoray wargeyska Sun ee kasoo baxa UK, Manchester United ayaa doonaysa inay xal u hesho lacagta badan ee mushaharka ay u siiso laacibkan, hase yeeshee PSG oo ka baqaysa inay weydo xiddigaheeda Neymar ama Mbappe oo kooxo badan ka doonayaan ayaa waxa la fahamsan yahay in bartilmaameed ay ka dhigan doonto Sanchez.

Ilo-wareedyo ka agdhow Manchester United ayaa sheegay in Manchester United dhexdeeda laga dareemayo guuxa warka Sanchez iyo PSG, hase yeeshee aan illaa hadda wax rasmi ah lahaynin.

Sanchez ayaa 19-kii ciyaarood ee horyaalka Premier League ee ugu dambeeyey waxa uu dhaliyey saddex gool oo kaliya, taasina waxay keentay in niyad jab uu tababare Jose Mourinho ka muujiyo.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*