QUUS: Liverpool Oo Si Buuxda Uga Quusatay Horyaalka Premier League Iyo Halyey Magac Ku Lahaa Anfield Oo Warka Caddeeyey

Laba kulan oo kaliya ayaa hadhay dhamaadka horyaalka Premier League, waxaana hoggaanka haysa Manchester City oo leh 92 dhibcood, laakiin waxa hal dhibic oo kaliya ka hoosaysa Liverpool oo bishii March dhabarka kaga jabtay ciyaar ay ugu tagtay dariskeeda Everton.

Labada kulan ee u hadhay, Man City waxay la ciyaari doontaa Leciester City iyo Brighton, halka Liverpool ay Newcastle iyo Wolves iskugu xigi doonaan. Marka kulanka hore dhaco toddobaadka foodda inagu soo haya, magaalooyinka Manchester iyo Liverpool ay geli doonaan laba jawi oo kala duwan oo midna looga diyaar-garoobi doono damaashaad midka kalena niyad-jab, sababtoo ah, Man City waxay martigelinaysaa Leciester oo ah kooxda ugu dambaysa ee la filan karayo inay dhibco ka lumin karta, waxaanay Liverpool ku ducaysanaysaa in barbarro uu kulankaasi ku dhamaado, halka City ay haysato laba fursadood oo ah inay guulaheeda sii wadato iyo in Liverpool ay ku kufto labada kulan ee u hadhay midkood.

Guushii Man City ay ka gaadhay Turf Moor, waxay u buuxisay tirada 12 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah oo si xidhiidh ah ay usoo badisay. Taas beddelkeeda Liverpool ayaa guulo isdaba joog ah gaadhaysay intii ka dambaysay ciyaartii barbarraha ee Everton oo ah halka ay City ka faa’iidaysatay.

Haddaba, halyeygii Liverpool ee  John Aldridge ayaa qirtay inay quus ka taagan yihiin hanashada horyaalka oo ay ka qatanaayeen ku dhowaad soddon sannadood.

Maqaal uu ku qoray wargeyska Liverpool Echo, ayaa waxa uu  John Aldridge ku yidhi: “Nasiib darro waxay u muuqataa in anagu (Liverpool) lanagu garaaci doono hal dhibic, sababtoo ah, City way guuleysan doontaa labadeeda ciyaarood ee ugu dambeeya, shakina kuma jiro.”

John Aldridge waxa kale oo uu tilmaamay in Leicester City iyo Brighton aanay midkoodna joojin karaynin awoodda Manchester City, waxaanu yidhi: “Ma filayo in Leicester ama Brighton ay leeyihiin awood ku filan oo ay ku joojin karaan iyaga – iyagu waxay hadda noqdeen awood wax burburisa.”

Halyeygan hore waxa uu farriin u diray kooxdiisii hore ee Liverpool, taas oo uu u tilmaamay waxa kaliya ee ay samayn karto, waxaanu yidhi: “Kaliya waxaanu samayn karnaa inaanu ciyaarahayaga ku guuleysano. Waxyaabo layaab leh wuu kasoo dhacay kubadda cagta, laakiin waqtigan iima muuqato.”