RASMI: Chamberlain Iyo Joe Gomez Oo Lagu Soo Bilaabay Shaxda Liverpool Ee Maanta Muddo Dheer Kaddib

Alex Oxlade-Chamberlain iyo Joe Gomez ayaa dib ugu soo laabtay shaxda kooxda kubadda Cagta Liverpool, kaddib markii ay kasoo kabteen dhaawac ay muddo dheer ku maqnaayeen.

Laacibka khadka dhexe ee Alex Oxlade-Chamberlain ayaa garoomada ka maqnaa muddo sannad ah, kaddib markii uu dhaawac soo gaadhay bishii April ee sannadkii hore xilli ay Reds la ciyaaraysay Roma semi-finalka Champions League.

Joe Gomez oo difaaca ah ayaa isaguna ka baxay garoomada qaybtii hore ee xili ciyaareedkan, waxaana lagu sameeyey qalliin dib u dhigay waqtigii loo qabtay soo laabashadiisa, balse hadda ayuu nasiib u yeeshay inuu mar kale xidho funaanadda cas ee kooxdiisa.

Liverpool ayaa safkeeda da’yarrada 23 jirrada ee la ciyaaraya Leicester City kusoo bilowday Alex Oxlade-Chamberlain, Joe Gomez iyo Rhian Brewster, waxaanay kooxdooda ku metelayaan ciyaartaas oo ka dhacaysa garoonka King Power.

Rafael Camacho, Curtis Jones iyo Ben Woodburn ayaa sidoo kale ka mid ah safka koowaad ee kooxda uu tababaraha ka yahay Neil Critchley.

Shaxda ay Liverpool kusoo bilaabatay kulankan da’yarta ee Leicester City:

Lineup: George, Gomez, Lewis, Hoever, Johnston, Coyle, Camacho, Oxlade-Chamberlain, Brewster, Woodburn, Jones.

Beddelka: Christie-Davies, Atherton, Masterson, McAuley, Gallacher.