RASMI: Frankie de Jong Oo Taam U Noqday Kulanka Juventus Iyo Xiddigaha Ajax Ee Maanta U Safraya Talyaaniga Oo La Shaaciyey

Tababaraha kooxda kubadda cagta Ajax ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigihiisa safarka ku tegaya waddanka Talyaaniga oo ay berri oo Salaasa ah kula soo ciyaari doonaan Juventus.

Kooxda Ajax ayaa maanta u duulaysa magaalada Turin ee ay ka dhisan tahay Juventus, waxaana liiska xiddigaha hoggaaminaya Frankie De Jong oo kasoo laabtay dhaawac haleelay Sabtidii kaas oo shaki galiyey inuu taam u noqon karayo ciyaartan.

Ajax oo lugtii hore ee siddeed dhamaadka Champions League barbar-dhac 1-1 ah kula soo gashay Juventus, ayaa waxay u baahan tahay inay guul la mid ah tii ay ku burburisay Real Madrid oo kale ka gaadho Old Lady, laakiin kooxda reer Turin ee uu hoggaaminayo Cristiano Ronaldo ayaa siddeed sannadood oo xidhiidh ah oo ay ku guuleysatay horyaalka Serie A kaddib, waxay wax walba u huraysaa sidii ay u qaadi lahayd tallaabo dheeraad ah oo ah hanashada UCL.

Sida uu wargeyska Telegraaf u sheegay Ali Dursun oo ah wakiilka De Jong, laacibka dhawaanta tegi doona Barcelona ayaa si buuxda diyaar ugu noqday kulankan, waxaanu kasoo doogay dhaawacii haleelay Sabtidii oo ciyaarta laga saaray daqiiqaddii 28aaad.

“Frankie waa taam, waxaanu tegayaa Turin, waxaanan ffilayaa inuu ciyaari doono. Sabtidii dhamaantayo waanu ka walaacnay laakiin beddelkiisii waxay ahayd ka hor tag khatar timaadda. Xanuunka uu dareemayay ma badnayn, naxdinta ayaa ka badnayd dhaawaca.” Ayuu yidhi Ali Dursun.

Liiska ciyaartoyga Ajax ee maanta u safraya Turin:

Onana, Lamprou, Varela, Kristensen, Veltman, de Ligt, Sinkgraven, Mazraoui, Magallán, Blind, Tagliafico, van de Beek, Tadic, Labyad, Schöne, de Jong, Ziyech, de Wit, Neres, Huntelaar, Dolberg, Ekkelenkamp.