RASMI: John Cena Oo Ka Maqnaan Doona Musaaricada WWE Ee Sucuudiga Iyo Beddelkiisa Oo Xalay Lagu Dhawaaqay

Halyeyga ciyaaraha legdinta Musaaricada WWE ee John Cena ayaa ka maqnaan doona ciyaarta Crown Jewel oo Jimcaha lagu qaban doono dalka Sucuudiga, halkaas oo uu diiday inuu tago kaddib dilkii wariye Jamal Khashoggi.

WWE ayaa xalay ku dhawaaqday ciyaartoyga beddelli doona booska Cena, kaas oo ah nin madow oo muddo kusoo jiray ciyaaraha legdinta balse aan lahayn magaca iyo sumcadda John Cena oo kale.

Bobby Lashley oo xalay ka  hadlayey ciyaartii Monday Night Raw ayaa waxa uu caddeeyey inuu yahay qofka beddellaya Cena ee u safraya Sucuudiga.

Ciyaartan oo qabsoomi doonta 2 November kana dhici doonta magaalada Riyad ee boqortooyada Sucuudiga ayaa waxa illaa hadda la xaqiijiyey inay tegi doonaan ciyaartooyada Seth Rollins, Kurt Angle, Dolph Ziggler, Rey Mysterio, Randy Orton iyo Jeff Hardy.

John Cena oo ka mid ah xiddigaha metela filimada shirkadda Hollywood, kuna hawlan film lagu duubayo dalka China oo muddo laba bilood ah qaadanaya ayaa waxa la sheegay inuu u diiday inuu Sucuudiga u tago si uu u badbaadsado sharaftiisa, isla markaana kalsooni iyo ixtiraam badan ugu helo ka baaqashada dalka dilay wariye Jamal Khashoggi.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*