RASMI: Lionel Messi Oo Aqbalay Dalabkii Florentino Perez Ee Ahaa Inuu Yimaaddo Bernabeu Iyo Cristiano Ronaldo Oo Jawaab Laga Sugayo

Leo Messi ayaa aqbalay inuu iska xaadiyo garoonka Santiago Bernabeu maalinta Axadda ee toddobaadka soo socda, halkaas oo sandaddiisa u xidh-xidhinayo kaddib dalab uu ka helay madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez.

Messi waxa uu sheegay inuu ogolaaday laba casuumadood oo uga kala yimid xidhiidhka kubadda cagta Spain iyo madaxweynaha Real Madrid oo sidoo kale loo diray Cristiano Ronaldo, kuwaas oo lagaga dalbaday inay ka qayb-galaan ciyaarta finalka Copa Libertadores ee Santiago Bernabeu ka dhici doonta Axadda, taas oo dhex mari doonta River Plate iyo Boca Juniors oo ciyaartooda loo soo raray dalka Spain kaddib qalalaase iyo rabshado dhiig ku daatay oo magaalada Buenos Aires oo baajiyey kulankoodii.

Warku wuxuu sheegay in Lionel Messi oo labada kooxoodba ka dhisan yihiin waddankiisa Argentina uu diyaar u yahay inuu ciyaartooda ka daawado Sanatiago Bernabeu, laakiin Cristiano Ronaldo oo aan jawaab cad laga haynin ayaa warku tibaaxay inuu Axadda kasoo duuli doono magaalada Turin oo uu iman doono Madrid.

Sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa dalka Spain,  Cristiano Ronaldo ayaa aqbalay inuu soo garab fadhiisto Messi qaybta madaxda ee garoonkii uu guulaha badan ku gaadhay.