RASMI: Ole Gunnar Solskjaer Oo Ku Dhawaaqay Liiska Ciyaartoyga Manchester United Ee U Safraya Barcelona Iyo Laacib Ganaaxan Oo Lagu Soo Daray

Liiska ciyaartoyga Manchester United ee maanta u safraya magaalada Barcelona ayaa la shaaciyey, waxaana lagu soo daray xiddigo dhawac kaga maqnaa kulankii hore iyo kuwa aan ciyaari doonin oo ganaax ah.

Manchester United oo maanta u duulaysa dalka Spain ka hor ciyaarta ay habeen dambe iskaga hor imanayaan Barcelona, waxaana ciyaartoyga saaka gaadhay garoonka diyaaradaha ee Manchester Airport ka mid ahaa Alexis Sanchez oo kasoo doogay dhaawac jilibka ah oo uu muddo ku maqnaa iyo Nemanja Matic oo kasoo laabtay dhaawac.Ahsley Young oo ganaax ku seegay ciyaartii West Ham ee Sabtidii, dhaliilo badana loo jeediyey ciyaartii Old Trafford ay ku qaabileen Barcelona ayaa mar kale xidhan doona calaamaddiisii kabtanka, waxaanu hormood ka yahay liiska xiddigaha uu magacyadooda shaaciyey tababaruhu. Laakiin Luke Shaw oo aan ciyaari doonin kulanka Barcelona kaddib markii uu kaadh digniin ah qaatay lugtii hore ayaa kusoo baxay liiskan.

Lama garanayo sababta uu Solskjaer booskiisa ugu soo buuxin waayey xiddigaha da’da yar ee kooxda  jooga, laakiin haddana magaciisa ayaa ka dhex muuqda 22-ka ciyaartoy ee uu ugu dambayn kasii dhex xulan doono 18-ka laacib ee uu gudbin doono.

Ander Herrera oo laba ciyaarood oo kaliya saftay sagaalkii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Manchester United ayaan lagu soo darin liiska.

Tababarihii hore Sir Alex Ferguson ayaa ka mid ah shaqsiyaadka magaca leh ee madaarka Manchester tegay ka hor duulimaadkooda mar dhow kacaya.

Magacyada ciyaartoyga Manchester United ee u duulaya Barcelona

Goolhayeyaal: De Gea, Romero, Grant

Difaacyahano: Dalot, Darmian, Young, Jones, Lindelof, Rojo, Smalling, Shaw*

Khadka dhexe: McTominay, Matic, Fred, Pereira, Pogba, Lingard, Mata,

Weerarka: Martial, Sanchez, Lukaku, Rashford

*Luke Shaw – Ma ciyaari doono kulankan.