RASMI: UEFA Oo Go’aan Ka Gaadhay Dacwaddii Sergio Ramos – Imisa Kulan Ayaa Laga Ganaaxay

Xidhiidhka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u dhaaciyey go’aan ay ka gaadheen dacwad lagu soo oogay kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos oo kaadh badheedh ah qaatay ciyaartii Ajax ee lugtii hore ee magaalada Amsterdam.

UEFA waxay caddaysay in Sergio Ramos  uu si badheedh ah u qaatay kaadh huruud ah daqiiqaddii 89aad markaas oo uu khalad ula-kac ah ku sameeyey Kasper Dolberg si loo siiyo kaadh uu ku seegi ciyaarta labaad isla markaana uu xor ugu noqdo kulamada xiga ee wareegga 16-ka.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ayaa hore u shaaciyey inay baadhitaan ku samaynayaan arrinta Sergio Ramos oo kaddib ciyaartaas qirtay inuu u badheedhay kaadhka uu qaatay, waxaana ugu dambayn ay guddida anshaxa ee UEFA ku dhawaaqday go’aanka ciqaabta ah ee ay marsiinayaan Ramos.

UEFA waxay sheegtay in laba kulan laga ganaaxay  Sergio Ramos oo aanu u ciyaari doonin kooxdiisa tartamada Yurub, taas oo ka dhigan in kulanka labaad ee Ajax iyo haddii ay Real Madrid u gudubto wareegga siddeedda inuu kulanka hore maqnaan doono.

Labada ciyaarood ee uu Sergio Ramos maqnaanayo oo ah kuwo muhiimad weyn u leh kooxdiisa, ayaa midka muuhimadda weyn sii leh uu yahay wareegga semi-finalka ama siddeedda oo ay koox weyn isku beegmi doonaan, halka lugta  labaad ee Ajax ay haddaba Los Blancos saadaasha guusha leedahay maadaama ciyaartii ay martida ahayd ay 2-1 kusoo adkaatay.