RASMI: Xulka Qaranka Brazil Ee La Ciyaari Doona Czech & Panama Oo La Shaaciyey, Vinicius Junior Oo Lagu Soo Daray Iyo Wejiyada Cusub Ee Ka Muuqda

Tababaraha xulka qaranka Brazil ayaa shaaciyey liiska xiddigaha dalkiisa ee uu u kaxaysanayo kulamada saaxiibtinimo ee Panama iyo Czech Republic.

Xulka qaranka Brazil oo isku diyaarinaya martigelinta tartanka Copa America ayaa waxa uu kulamo saaxiibtinimo bisha March la yeelan doonaa labada waddan ee sare ku xusan, waxaana tababare Tite uu u yeedhay wejiyo cusub oo booska kala bixi doona ciyaartooyo waaweyn oo waqtigan hoos u dhac ku yimid.

Tababare Tite ayaa xulkiisa kusoo daray da’yarka Real Madrid ee Vinicius Jr oo wacdaro ka dhigay kulamadii uu u saftay kooxdiisa xili ciyaareedkan, sidoo kalena kubbad-sameeyaha kooxda West Ham United ee Felipe Anderson ayaa kusoo baxay liiskan.

Vinicius oo ayey u noqonaysaa markii ugu horreysay ee uu xulka waaweynka dalkiisa ka mid noqdo, laakiin Anderson ayaa sannadkii 2015 hal mar kusoo baxay kulamo saaxiibtinimo oo waddankiisu iskugu diyaarinayey isla tartanka hadda isku diyaarinayaan ka hor intii aan laga saarin liiska rasmiga ah.

Kubbad-qaabeeyaha Barcelona ee Arthur ayaa isaguna ka mid ah xiddigaha loo yeedhay, halka aan lagu soo darin liiska laacibka khadka dhexe uga ciyaara Manchester City ee Fernandinho oo ku dhaawacmay kulankii Finalka Carabao Cup ee Chelsea ay rikoodheyaasha koobka kaga qaadeen Axaddii.

Difaaca bidix ee Real Madrid, Marcelo oo tababare Solari uu kursiga kaydka dhigay ayaa laga reebay xulka qaranka, sidoo kalena waxa ka maqan Neymar oo dhaawac ah.

Xulka qaranka Brazil oo dhamaystiran

Goolhayeyaal: Alisson (Liverpool), Ederson (Manchester City), Weverton (Palmeiras)

Didfaaca: Alex Sandro (Juventus), Danilo (Manchester City), Filipe Luis (Atletico Madrid), Eder Militao (Porto), Dani Alves (Paris Saint-Germain), Marquinhos (Paris Saint-Germain), Thiago Silva (Paris Saint-Germain), Miranda (Inter Milan)

Khadka dhexe: Allan (Napoli), Arthur (Barcelona), Philippe Coutinho (Barcelona), Casemiro (Real Madrid), Fabinho (Liverpool), Felipe Anderson (West Ham), Lucas Paqueta (AC Milan)

Weerarka: Everton (Gremio), Roberto Firmino (Liverpool), Gabriel Jesus (Manchester City), Richarlison (Everton), Vinicius Junior (Real Madrid)