RIKOODH: James Milner Oo DhaafayRikoodhkii Gool Caawinta Ee David Beckham, Lixda Halyey Ee Uu Hiigsanayo Iyo Halka Uu Kaga Jiro Liiska Caawiyeyaasha Premier League

Ruug-caddaaga Liverpool ee James Milner ayaa dhaafay rikoodhkii gool caawinta Premier League ee David Beckham kaddib markii xalay  kubbad uu u dhiibay Sadio Mane ay gool noqotay.

Milner ayaa dhinaca midig kasoo gudbiyey kubbad uu lugta u saaray Mane kulankii barbarraha 1-1 ay la galeen West Ham, waxaana si qurux badan iskugu wareejiyey weeraryahanka reer Senegal oo hoggaanka ugu dhiibay naadigiisa, hase yeeshee daqiiqado kaddib ayaa laga dhaliyey gool barbar-dhac ah.

Kubaddaas uu soo dhiibay ayaa waxa Milner uu ku noqday ciyaartoygii toddobaad ee ugu gool caawinta badnaa horyaalka Premier League, waxaana uu booska ka cidhiidhsaday David Beckham oo hore halkaas ugu jiray, hase yeeshee waxa ka horreeya lix laacib oo kale oo aanay macquul ahayn inuu qaarkood soo qabto.

Goolkan ayaa ahaa midkii 81aad ee ka tirsan Premier League ee uu caawiye ka noqday Milner, waxaana uu hal gool dhaafay Beckham oo 80 gool caawiyey, hase yeeshee waxa rikoodhka ugu badan haysta halyeygii Manchester United oo 162 gool caawiyey ka hor intii aanu ka fadhiisanin ciyaaraha.

Milner ayaa waxa uu hiigsanayaa Steven Gerrard oo ah laacibka kusoo xiga Beckham ee uu rikoodhkiisa jabin karayo,  waxaana uga hadhsan 11 caawimood oo kaliya, hase yeeshee waxa aan kasii fogeyn halyeeyadii Arsenal iyo Chelsea ee Dennis Bergkamp iyo Frank Lampard oo sameeyey 94 caawimood iyo 102.

Halkan kaga bogo 10ka gool caawiye ee ugu badan horyaalka Premier League:

1. Ryan Giggs – 162

2. Cesc Fabregas – 111

3. Wayne Rooney – 103

4. Frank Lampard – 102

5. Dennis Bergkamp – 94

6. Steven Gerrard – 92

7. James Milner – 81

8. David Beckham – 80

9. David Silva – 78

10. Teddy Sheringham – 76