Saadaasha Khabiir Paul Merson Ee Kulamada Premier League Toddobaadka 14-aad, Kulamada Derby-ga Ee Arsenal v Tottenham & Liverpool v Everton Oo Uu Natiijooyin Kala Duwan Ku Saadaaliyay.

Khabiirka kanaalka ree England ee Sky Sports Mr Paul Merson ayaa sidii caadada ahayd dhiibtay saadaashiisa toddobaadlaha ah, Toddobaadkan ayaa la filayaa inuu noqon doono mid khaas ah maadaama oo saddex kulan oo Derby ah la ciyaari doono.

Mr Merson ayaa saadaaliyay tobanka kulan oo ay kamid yihiin laba London Derby oo kala ah Arsenal v Tottenham iyo Chelsea v Fulham iyo waliba kulanka xiisaha badan ee Derby Merseyside ee u dhaxayn doona kooxaha Liverpool iyo Tottenham.

Aan ku bilawnee, Khabiir Paul Merson ayaa guul u saadaaliyay kooxda Chelsea oo soo dhawayn doonta dhigeeda Fulham kulan lagu balansan yahay Stamford Bridge, Khabiirka ayaa qaba in kooxda Sarri ay guuldaradii kulankii Tottenham kaga soo kaban doonto kooxda Cladio Ranieri.

Si lamid ah Chelsea, Khabiirka Sky waxa uu qabaa in kooxda Pep Guardiola ee Manchester City ay sii wadi doonto bandhigyada iyo goolasha aan xadka lahayn isla markaana ay xaaqi doonto kooxda Bournemouth oo soo booqanaysa.

Dhinaca kale, Merson waxa uu natiijo quman u saadaaliyay kooxda Jose Mourinho ee Man United oo toddobaadkii hore bar-bardhac la gashay dhigeeda Crystal Palace waxaana uu aaminsan yahay inay guul kasoo gaadhi doonaan Southampton.

Kulanka Merseyside Derby ayaa ah mid uu guul siiyay kooxda Jurgen Klopp oo Champions League guuldaro kala soo laabatay Paris Saint-Germain, Paul ayaa qaba in Reds ay ka adkaan doonaan jaarka ay xifaaltamaan ee Everton.

Ugu dambayn, Kulanka u dhaxayn doona Emery iyo Pochettino ee Arsenal v Tottenham ayuu Merson guul u diiday labada kooxoodba isaga oo aaminsan inay dhibcaha ku heshiin doonaan kulankan ka dhici doona Emirates Stadium.

Halkan kaga boggo natiijada tobanka kulan ee Premier League iyo saadaasha Merson ee toddobaadka 14-aad.

Cardiff 1-1 Wolves.

Chelsea 2-0 Fulham.

Huddersfield 1-0 Brighton

Liverpool 2-0 Everton

Crystal Palace 2-1 Burnley

Leicester Cuty 1-1 Watford

Manchester City 4-1 Bournemouth

Newcastle United 2-1 West Ham United

Southampton 0-2 Manchester United

Arsenal 1-1 Tottenham.

Adigu akhriste miyaad Khabiir Paul Merson ku raacsan tahay saadaashiisa toddobaadka 14-aad Miyaadse filaysaa in sida uu wax u dhigay ay u dhici doonaan gaar ahaan kulamada saddexda ah ee Derby-ga ah?