Saadaasha Khabiirka BBC Sports Ee Mark Lawrenson Ee Kulamada 28aad Ee Horyaalka Premier League – Chelsea Oo Uu Guul U Diiday

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayey kooxuhu isku arki doonaan kulamadii 28aad, waana kulamadii labaad ee toddobaad gudihii ay kooxuhu isku arkayaan.

Liverpool oo hoggaanka hal dhibic ku haysa ayaa qaabbili doonta Watford Arbacada, waxaanay wax walba u samayn doontaa inay jidka guusha kusoo laabato, isla markaana ka baxdo dhibaatooyinka iyo liidashada ay toddobaadyadii ugu dambeeyey oo dhan deriska u ahayd.

Manchester City oo kaalinta labaad  ku jirta, ayaa iyaduna marti gelin doonta West Ham United, waana saddex cisho kaddib markii ay ku guuleysatay koobka EFL Cup ee sidoo kale loo yaqaano Carabao Cup.

Kulanka ugu adag, waxa Arbacada ku ballansan kooxaha reer London ee Chelsea iyo Tottenham, waxaanay jilbaha iskugu dhigan doonaan garoonka Stamford Bridge, halkaas oo Spurs oo kulankeedii hore khasaare la kulantay ay guul ka raadin doonto, halka Blues oo kaalinta lixaad ku jirtaa ay nafta u huri doonto sidii ay garoonkeeda ugu guuleysan lahayd.

Arsenal oo kaalinta afraad kusoo laabatay ayaa qaabbili doonta Bournemouth. Sidoo kalena Manchester United ayaa la ciyaari doonta Crystal Palace

Khabiirka BBC Sports ee Mark Lawrenson ayaa sidii looga bartay saadaaliyey natiijooyinka kulamadan, waxaana uu guul ugu bushaareeyey kooxaha Manchester City, Liverpool iyo Arsenal.

Mark Lawrenson waxa uu guul uga dhaartay Manchester United oo uu u saadaaliyey inay guul-darro 2-1 ah kala soo laaban doonto safarka ay ugu tegayso Crystal Palace, halka Chelsea iyo Tottenham ay barbar-dhac geli doonaan.

Halkan kaga bogo saadaasha khabiirka Mark Lawrenson oo dhamaystiran:

Kulamada Salaasada

Cardiff 1-2 Everton

Huddersfield 0-2 Wolves

Leciester City 2-0 Brighton

Newcastle 1-1 Burnley

Kulamada Arbacada

Arsenal 2-0 Bournemouth

Southampton 2-1 Fulham

Chelsea 1-1 Tottenham

Crystal Palace 2-1 Manchester United

Liverpool 2-0 Watford

Manchester City 3-1 West Ham.