Saadaasha Khabiirka Ciyaaraha Mark Lawrenson Ee Kulamada Horyaalka Premier League Ee Toddobaadka, Arsenal Oo Uu Niyadda Ka Jabiyey Iyo Kooxaha Uu Ka Farxiyey

Kooxaha horyaalka Premier League ayaa ciyaaraya kulamadoodii 14aad usbuucan, kuwaas oo bilow u noqon doono bil cidhiidh ah oo ciyaaro aan waqti badan u dhaxaynin ay iskugu xigi doonaan.

Kulanka ugu adag ee usbuuca ayaa waxa isku haleeli doona labada naadi ee reer London ee Arsenal iyo Tottenham oo gegida Emirates ku ballansan maalinta Axadda, laakiin Jose Mourinho ayaa Sabtida marti u noqon doona Southampton, taas oo noqon doonto ciyaar uu ku qasban yahay inuu guul ka keeno si uu sare ugu ruqaansan karo, iyadoo uu Sabtidiina uu barbar dhac garoonka OId Trafford kula galay Crystal Palace.

Liverpool oo guul-darro kala soo laabatay kulankii PSG ayaa mari doonta imtixaan kale marka ay garoonkeeda Anfield ku qaabisho naadiga ay colaadda weyn ka dhaxayso ee Everton.

Kulamada toddobaadkan, waxa saadaal ka bixiyey khabiirka ciyaaraha Mark Lawrenson oo ciyaaro badan ay natiijadoodu noqotay sidii uu usii daadaaliyey.

Lawrenson waxa uu kulanka usbuucan guul darro u saadaaliyey Arsenal, laakiin dhamaan kooxaha kale ee waaweyn sida Manchester United, Manchester City, Chelsea iyo Liverpool ayaa uu guulo u sheegay.

Halkan kaga bogo saadaasha Mark Lawrenson 14aad ee horyaalka Premier League

Jimce:

Cardiff v Wolves 1-1

Sabti

Crystal Palace v Burnley 1-0

Huddersfield v Brighton  1-0

Leicester v Watford 2-0

Man City v Bournemouth 3-0

Man City v Bournemouth 2-0

Southampton v Man Utd 0-2

Axad

Chelsea v Fulham 2-0

Arsenal v Tottenham 1-2

Liverpool v Everton 2-0