Sababta Aanay Liverpool U Daawan Doonin Ciyaarta Man City Ee Maanta, Sida Aanu Farxad U Dareemaynin Iyo Naby Keita Oo Arrimo Badan Bannaanka Keenay Ka Hor Kulanka Chelsea

Kubbad sameeyaha Liverpool ee Naby Keita ayaa sheegay in aanay dareemaynin farxad mar haddii la tilmaamayo in ciyaartiisii ugu wanaagsanayd ay tahay middii uu kusoo bandhigay kulankii Porto.

Keita oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey laba gool u dhaliyey Liverpool, waxa uu doonayaa inuu horumar ku sameeyo xirfaddiisa, isla markaana uu si buuxda ula qabsado Premier League oo uu kusoo biiray xagaagii kaddib markii ay Reds kasoo bixisay £52.75 milyan oo ay kagala soo wareegtay RB Leipzing.

“Marka aad maqasho wax adiga kugu saabsan, waa inaad qaadato oo aad isku daydo inaad kasii badiso. Haa Dabcan, waan ku faraxsanahay qaab-ciyaareedkayga, haddii aan fax fiican sameeyeyna tay tahay, laakiin aniga ilama aha inaan wax sameeyey. Waxaan doonayaa inaan tababarka qaato oo aan raaco talooyinka tababarka inta aanu carbiska ku jirno.” Sidaas ayuu yidhi 24 jirka reer  Guinea.

Laacibkani waxa uu sheegay in aanay Liverpool daawan doonin ciyaarta Manchester City ay maanta kula ballansan tahay Crystal Palace oo kasoo horreyn doonta midda Liverpool, waxaanu yidhi: “Maya, ma daawan doono Manchester City – waxaanu diiradda saari doonaa ciyaarta nagu soo socota, tirooyinkana waxaanu eegi doonaa dhamaadka xili ciyaareedka. Waa intaas uun.”

“Tababaruhu wuxuu noo sheegaa maalin kasta, inaanu dareenkayaga oo dhan siino waxa nagu soo socda, ciyaarta na hor taalla oo aanu isku dayno inaanu guuleysano, kaddibna dhamaadka xili ciyaareedka aanu aragno siday wax noqdaan.” Ayuu ku daray.

Laacibkan oo u warramay shabakadda kooxda Liverpool iska leedahay, ee liverpoolfc.com, waxa kale oo uu ka hadlay ciyaarta ay Chelsea galabta kaga hor tegayaan Anfield, waxaanu yidhi: “Chelsea ma noqon doonto ciyaar fudud. Waa koox u imanaysa inay garoonkayaga nagaga guuleysato, laakiin mar haddii aanu garoonkayaga ku ciyaaryno waxaanu haysanaa taageereyaashayada oo na garab taagan.

“Chelsea waa koox weyn, koox fiican, koox ciyaarta kubbad wanaagsan iyo koox qaab fiican ku jira, laakiin waxaanu ku dheelaynaa gurigayaga, waxaananu samayn doonaa wax kasta oo aanu ugu guuleysan karayno. Ma fududaan doonto, laakiin wax kasta oo aanu ku guuleysan karayno waanu isku dayaynaa si aanu u guuleysano.” Ayuu raaciyey.