Santiago Solari Oo Diiday Inuu Ka Hadlo Mustaqbalkiisa, Kaddib Guushii Weynayd Ee Plzen Ee Xalay

Tababaraha ku-meelgaadhka ah ee Real Madrid, Santiago Solari ayaa xalay guushiisii saddexaad oo xidhiidh ah gaadhay tan iyo markii loo magacaabay tababaraha aan waqtigiisu rasmiga ahayn ee Los Blancos.

Solari oo hore uga soo guuleystay kooxaha Melilla iyo Real Valladolid ayaa waxa uu kulankii xalay ee Viktoria Plzen isbeddel weyn ku sameeyey shaxda koowaad ee naadigiisa oo uu ka tuuray goolhaye Keylor Navas oo xili ciyaareedkan ku koobnaa tartanka Champions League oo kaliya, halka horyaalkana uu Thibaut Courtois ciyaaro. Waxa kale oo uu fadhiisiyey xiddiga reer Croatia ee Luka Modric, Isco iyo Asensio, halka ay dhaawac kaga maqnaayeen Marcelo, Carvajal iyo Varane oo difaac ah, waxaana iyagoon dhibaatoonin ay 5-0 ku dhufteen kooxdii ay dirqiga kaga adkaadeen laba usbuuc ka hor.

Santiago Solari oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu qabtay ciyaartii xalay kaddib ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey go’aankii uu ku fadhiisiyey Keylor Navas oo guulo badan lasoo gaadhay xili ciyaareedyadii ugu dambeeyey, waxaana uu diiday inuu ka hadlo in shaqadiisa loo beddeli doono mid rasmi ah oo xilliga kumeelgaadhka ah uu ka bixi doono.

“Go’aan ayaan qaatay, Keylor na waa nin rag ah, ixtiraam iyo qiimayn badan ayaan u hayaa ciyaartoy ahaan iyo dadnimo ahaanba, waa qof laga jecel yahay qolka labbiska oo aad muhiim u ah.” Sidaas ayuu yidhi Solari.

Isaga oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey mustaqbalkiisa iyo in marka ku-meelgaadhnimadiisu dhamaato uu rajaynayo in si rasmi ah loogu magacaabo tababaraha Los Blancos, waxa uu ku jawaabay: “Kaliya kulanka soo socda ayaan ka fikirayaa, kubadda cagtuna waa waxa hadda taagan, tamartayada oo dhanna waxa aanu u huraynaa ciyaarta dambe.”

Santiago Solari oo la weydiiyey inay dhamaatay mushkiladdii Real Madrid oo ay ugu dambayn kusoo laabatay jidka guulaha, waxa uu ku jawaabay: “Madrid mar walba qalalaase ayaanu ku noolahay, xattaa marka aanu ku guuleysano Champions League.”