Sergio Ramos Wuxuu Sameeyaa Saddexlaabka Khaladka Lacazette Lamana Ganaaxo – Taageereyaasha Arsenal Oo Ka Falceliyey Ganaaxii La Dul Dhigay Xiddigooda

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa laba ciyaarood oo dheeraad ah oo ganaax ah huwiyey weeraryahanka Arsenal ee Alexandre Lacazette oo lugtii hore ee Bate Borisov gacantiisu ku dhacday midka mid ah xiddigihii kasoo  horjeeday, halkaas oo uu ku qaatay kaadh casaan ah.

Alexandre Lacazette ayaa fadhiyey ciyaartii labaad ee ka dhacday Emirates oo Gunners ay ku adkaatay 3-0, hase yeeshee waxa dibedda uu ka ahaan doonaa laba ciyaarood oo kale oo ah kuwa wareegga 16-ka ee tartanka Europa League.

Arsenal ayaa wareegga 16-ka waxay alciyaari doontaa naadiga reer France ee Rennes oo ay isku beegmeen isku-aadkii la sameeyey Jimcihii, waana kulamo ay u baahnaayeen Lacazette maadaama uu aqoon fiican u leeyahay naadigaas oo ay marar hore iska hor yimaaddeen xilligii uu ka ciyaarayey Ligue 1.

Ganaaxani waxa uu weerarka Arsenal kusoo koobay Pierre-Emerick Aubameyang oo kaliya, hase yeeshee jamaahiirta Arsenal ayaa si weyn uga gadooday go’aanka UEFA, waxaanay tilmaameen in ciyaartooyo sameeya khaladkiisa oo kale aan wax ciqaab ah la marsiinin.

Arsenal oo kaalinta shanaad ku jirta ayey soo gaabatay rajadeeda kaalmaha hore ee horyaalka oo saddexda ugu sarreeya ay Liverpool, Man City iyo Tottenham xorreysteen, balse kaalinta afraad ay Manchester United oo meel fog kasoo dhaqaaqday ay ka riixatay Gunners iyo Blues, waxaana kooxda reer London ay tamarteeda iskugu geynaysaa Europa League oo ganaaxana uu ka dhantaalayo.

“Waa go’aan doqoniimo ah” Sidaas waxa soo qoray mid ka mid ah taageereyaasha Arsenal oo eedaynayey UEFA, hase yeeshee Someone, ayaa waxa uu isaguna bartiisa Twitterka ku baahiyey: “Ramos wuxuu samayn karaa saddex jibbaar waxa uu Laca sameeyey, xattaa hal kaadh lama siiyo”

Halkan ka akhriso falcelintii Jamaahiirta Arsenal ee Ganaaxa Lacazette: