Shaxda Rasmiga Ah Ee Man United vs Liverpool – Ayay Solskjaer & Klopp Ku Soo Bilaabeen Kulanka Galabta Ee Old Trafford?

Dhanka Man United waxaa lagu soo bilaabay khadka dhexe Scott McTominay kaasoo booska kala baxay Nemanja Matic oo aan kooxda oo dhan ku jirin.

Waa markii ugu horeysay ee ku soo bilowdo kulan Premier League tan iyo 1dii bishii December. Jesse Lingard ayaa isna ka mid ah xiddigaha kursiga keydka.

Virgil van Dijk ayaa ku soo laabtay Liverpool sidii la filayay. Waxa uu ka garab ciyaarayaa Joel Matip iyadoo James Milner lagu soo bilaabay booska daafaca midig iyadoo Trent Alexander-Arnold kursiga keydka uu fadhiyo.

Fabinho ayaa isna lagu soo bilaabay khadka dhexe.

SHAXDA RASMIGA AH

Man United: De Gea, Young, Lindelof, Smalling, Shaw, Herrera, McTominay, Pogba, Mata, Lukaku, Rashford

Keyd: Romero, Bailly, Sanchez, Lingard, Pereira, Fred, Dalot

Liverpool Alisson, Milner, Matip, Van Dijk, Robertson, Fabinho, Wijnaldum, Henderson, Mane, Salah, Firmino

Keyd: Mignolet, Keita, Sturridge, Lallana, Shaqiri, Origi, Alexander-Arnold