Sidee Ayuu Noqday Dareenka Cristiano Ronaldo Markii Lagu Dhawaaqay In Modric Ku Guuleystay Abaalmarinta Ballon d’Or?

Xiddiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa si yaab leh uga falceliyey markii lagu dhawaaqay in abaalmarinta Ballon d’Or ee sannadka 2018 uu ku guuleystay Luka Modric oo ay hore ugu wada ciyaari jireen Real Madrid.

Ronaldo ayaa kaalinta labaad ka galay abaal-marinta Ballon d’Or ee uu sannadkii hore ku guuleystay, markaas oo xaflad qurux badan oo kalidii shaashadaha uu daaliyey uu marba dhinac ugu dhex cararay tower-ka caanka ah ee Paris, hase yeeshee, waxa caqabad ku noqday in markiisii lixaad uu qaato Luka Modric oo ay Real Madrid ka wada tirsanaayeen ka hor intii aanu CR7 u wareegin Juventus.

Modric oo bandhig wanaagsan ka sameeyey Koobkii Adduunka 2018 ee lagu qabtay Ruushka iyo tartanka Champions League, ayaa waxa uu ugu dambayn noqday xiddigga dunida ka qabtay Ronaldo iyo Messi ee ugu yaraan hal sano oo fagaa ah abuuray.

Sida uu qoray wargeyska Don Balon ee kasoo baxa dalka Spain, Cristiano Ronaldo ayaa si aad ah uga cadhooday abaal-marinta la siiyey Luka Modric oo aanu xattaa ka qayb-gelin xafladdeedii Paris.

Wargeysku waxa uu sheegay in Ronaldo aanu jeclaysanin in Modric uu kaga guuleysto abaal-marintaas, isla markaana uu ka baaqsaday inuu xattaa hambalyo u diro, balse dhinaca kale ay si weyn u weerareen xiddiga reer Croatia hablaha ay walaalaha yihiin Ronaldo.

Labada gabdhood ee la dhashay Ronaldo ayaa iyagoo adeegsanaya barahooda bulshada, waxay eedeeyeen wargeyska France Football iyo qaabkii codbixinta ee Modric lagu caleemo saaray, waxaanay tilmaameen in budhcadnimo ka dhacday meesha oo la iibsaday codadka.

Si kastaba ha ahaatee Ronaldo ayaan ka qayb-gelin laba bilood ka hor xaflad lagu qabtay magaalada London oo FIFA ay Luka Modric ugu aqoonsatay ciyaartoyga ugu wanaagsan, kuna siisay abaal-marinta THE BEST, hase yeeshee xili dambe ayaa uu Modric sheegay in Cristiano usoo hambalyeeyey.