Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Bixiyey Horyaalka Premier League – Midkee Ayuu Koobka Siiyey Liverpool & Man City, Yaase Ku Dhamaysan Doona Booska 4aad?

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa maraya meel xaasaasi ah, waxaana hoggaanka hal dhibic ku haysa Liverpool.

Horyaalka ayaa la ciyaaray min 27 kulan, waxaana isku baacsanaya labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester City oo ay kusii daba jirto Tottenham.

Kaalinta afraad ayaa uu loollanka ugu weyn ka jiraa, waxaana ku hirdamaya Arsenal, Manchester United iyo Chelsea, kuwaas oo midkooda iska xaadirin doonta tartanka Champions League ee xili ciyaareedka dambe dagaal ugu jirta.

Haddaba SuperComputer ayaa saadaaliyey sida ay noqon doonto natiijada horyaalka Premier League marka la ciyaaro kulanka ugu dambeeya ee 38aad, waxaana uu guusha siiyey Liverpool oo faro-ciddidood kaga baxsan doonta Manchester City oo usbuucan gacanta ku dhigtay koobkeedii ugu horreeyey ee xili ciyaareedka oo ah EFL Cup.

Liverpool waxay Axaddii barbar-dhac goolal la’aan ah la gashay Manchester United, waxaana markii ay kulamadaasi dhamaadeen uu Supercomputer sameeyey saadaashiisan cusub oo la daabacay Isniintii February 2019.

Suptercomputer waxa uu sheegay in Liverpool ay ku dhamaysan doonto horyaalka 99 dhibcood, Manchester City oo ku xigtaana 98 dhibcood, halka Tottenham ay kaalinta saddexaad geli doonto iyadoo haysata 82 dhibcood.

Kaalinta afraad ee uu dagaalka ugu weyn ka jiro ayaa waxa uu sameeyey Manchester United oo yeelan doonta 73 dhibcood, waxaana ku xigi doonta Chelsea oo heli doonta 72 dhibcood, halka Arsenal oo lixaad geli doonta ay hal dhibici kasii hoosayn doonto Blues.

Kooxaha heerka labaad ku laabanaya, waxa Supercomputer uu saadaaliyey inay noqon doonaan Southampton, Fulham iyo Hddersfiedl Town, waxaanu ka farxiyey jamaahiirta Cardiff City oo kaalinta 17aad ku dhamaysan doona.

Halkan ka akhriso saadaasha oo dhamaystiran