Tababaraha Kooxda Arsenal Oo Sheegay In Uu Lacag Ka Waayey Maamulka Kooxda Iyo Qorshaha Uu Damacsan Yahay

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaan haba yaraatee wax maal gelin ah ka helin maamulka kooxdiisa suuqa bishan January ee haatan socda waxaana uu wadada uu culayskaas kaga baxsano u arkaa xiddiga dookhiisa hoos uga dhacay ee Mesut Ozil.

Kubad sameeyaha asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkey-ga ayaa ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan Gunners isaga oo toddobaadkii ku xisaabtama £350,000 balse waxa uu si dhif ah uga soo muuqanayay shaxda kooxda tan iyo bilawgii bishii December.

Emery ayaa dhawaan xusay in suuqan January aysan wax ciyaartoy ah soo iibsan karin marka laga yimaado inay qaab amaah ah kusoo qaataan ciyaartoy mooyaane.

Wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in tababare Emery uu doonayo in kooxdu wado uu ku baxo u raadiso 30 jirkan kahor dhammaadka bishan sababta ayaana ah inuu doonayo inuu ka sameeyo lacago uu kusoo iibsado ciyaartoy falsafadiisa fahmi kara.

Arsenal ayaa lala xidhiidhinayay saxeexyada xiddigaha kala ah Ever Banega, Denis Suarez iyo Yannick Carrasco xilli Emery uu doonayo inuu hal abuur kusoo kordhiyo khadkiisa dhexe waxaana ay u muuqata in macalinka ree Spain uu aaminsan yahay in Mesut uu kahoos maray rabitaankiisa.

Ozil ayaa dhawaan kasoo kabtay dhaawacyadii uu ka qabay dhabarka iyo jilibka balse waxa uu wali ka maqan yahay in liiska ciyaartoyda ee kooxda.