Tababare Mauricio Pochettino Oo Walaac Ka Muujiyey Dhaawac Soo Gaadhay Harry Kane Iyo Son Heung-min Oo U Dhaqaaqay Waddankiisa Korea

Tababaraha kooxda kubadda cagta Tottenham, Mauricio Pochettino ayaa ka hadlay inta uu le’eg yahay dhaawac soo gaadhay weeraryahanka kooxdiisa ee Harry Kane intii ay socotay ciyaartii xalay khasaaraha ay kala kulmeen Manchester United ee ka dhacday garoonka Wembley.

Kane ayaa u baahday in la caawiyo si uu u kaco daqiiqadihii ugu dambeeyey ee ciyaartii 1-0 ay United kaga adkaatay, kaddib markii uu wax ka noqday kuraanta, waxaana laga war sugayaa dhakhaatiirta kooxdu inay warbixin kasoo saarto inta uu le’eg yahay dhaawacu iyo muddada uu garoomada ka maqnaan karo.

Harry Kane ayaa toddoba kubbadood xalay ku toogtay goolka Manchester waxaase bir adag ku noqday David de Gea oo shabaqiisa ka ilaaliyey inay wax kubbad ah gasho, laakiin dhamaadkii ciyaarta ayaa waxa uu dhaawac kasoo gaadhay kuraanta oo uu hore toban kulan ugu maqnaa sannadkii 2018.

“Khalad caddaan ah ayaa lagu galay Harry Kane, wuxuu ahaa mid weyn, laakiin garsoore Mike Dean wuxuu sheegay in aanu arkaynin. Waxay ahayd taako xun, haddana waxbaa lagaga duubay kuraanta.” Sidaas waxa yidhi Tababare Pochettino oo caddeeyey in dhaawac soo gaadhay Kane.

Tottenham waxa kale oo qaybtii hore ee ciyaarta ka dhaawacmay laacibka khadka dhexe ee Moussa Sissoko oo la beddelay waqtigii nasashada, hase yeeshee tababare Pochettino waxa walaac ku haya dhaawaca Kane iyo Son Heung-min oo ka tegaya si uu dalkiisa Korea ugu soo ciyaaro tartanka qaramada Asia ee ka socda dalka Imaaraadka Carabta.

“Ciyaartoyga Manchester uma badheedhin (inuu dhaawacu Kane) laakiin waxay ahayd taako xun, Kane na wuu dhaqaaqi kari waayey dhamaadkii ciyaarta.” Ayuu mar kale yidhi tababare Pochettino.

“Waxa aanu waayi doonaa Son Heung-min oo tegaya koobka Asia, haddii Kane dhaawacmana, waxay nagu noqonn doontaa dhibaato weyn, waxaanu se rajaynaynaa in aanu dhaawac weyn noqonin.”

Tottenham oo kaalinta saddexaad ee horyaaalka Premier League ku jirta ayaa waxay leedahay 48 dhibcood, waxaanay sagaal dhibcood ka hoosaysaa Liverpool oo hoggaanka haysa., laakiin waxa kusoo dhowaatay Chelsea oo yeelatay 47 dhibcood.