UEFA Oo Sergio Ramos U Aqoonsatay Ciyaartoyga Ugu Wanaagsan Kulamada Caalamiga Ah

Kabtanka xulka qaranka Spain ee Sergio Ramos ayaa kaalinta koowaad ka galay qiimaynta ciyaaryahannada qaaradda Yurub ee ciyaaraha caalamiga ah, kaddib bandhigiisii kulamada uu qarankiisa u saftay.

Difaaca Real Madrid ayaa waxa uu boodhka ku qasay Virgil van Dijk, Haris Seferovic, Andriy Pyatov iyo Antoine Griezmann oo dhamaantood iskugu xiga sida magacyada aanu u kala horreysiinay.

Ciyaaryahannadan oo mid kasta qiimayn uu ku sameeyey xidhiidhka maamulka ciyaaraha Yurub, iyagoo ka eegaya meelo cayiman oo la xidhiidha wacdarihii ay garoomada ka muujiyeen, ayaa waxa uu Ramos noqday laacibka ugu sarreeya qiimaynta, waxaana kusoo xiga Virgil van Dijk oo xulka qaranka Netherlands ah, Haris Seferovic oo Switzerland ah oo kaalinta saddexaad galay, Andriy Pyatov oo reer Ukraine ah kaalinta afraadna ku jira iyo Antoine Griezmann oo xulka qaranka Faransiiska ah, kaalinta shanaadna ku jira.

Qiimaynta ayaa waxay Sergio Ramos ku sheegtay inuu sameeyey qaladaadkii ugu yaraa ee heer-difaacnio, baasaskii ugu badnaana dhiibay, sidoo  kalena uu ku guuleystay kubbad-reebistii ugu badnayd, kuwaas oo ay u dheer tahay inuu goolalna guusha ugu horseeday qarankiisa.

Ciyaartii xulka qaranka Spain 2-1 kaga adkaaday Norway, waxa uu 32 jirkani dhamaystiray 82 baas 87 jeer oo kubaddu soo gaadhay, waxaana uu lumiyey shan jeer oo kaliya, waxaana uu ciyaartan sameeyey laba khalad oo kaliya oo uu ku galay ciyaaryahannada Norway, halka uu saddex kubbadood oo halis ahaana kasoo badbaadiyey goolkiisa. Waxa kale oo intaa u dheeraa, in aanu wax kaadh ah qaadanin.

Sergio Ramos ayaa goolkiisii ugu horreeyey ee xulka qaranka Spain waxa uu dhaliyey 14 sannadood ka hor, waxaanay ahayd October 12, 2005 waana isreeb-reebkii Koobkii Adduunka ee 2006 kulan Spain la ciyaaray San Marino, waxaanu illaa waqtigaas  qarankiisa u saxeexay 17 gool.

Kabtan Sergio Ramos oo xulka qaranka Spain u ciyaaray 162 kulan ayaa waxa uu isha ku hayaa inuu soo qabto rikoodhkii safashada ugu badan Spain oo uu haysto Iker Casillas, waxaana uga hadhsan shan ciyaarood oo kaliya, taas oo uu ku jabin karayo bisha October ee sannadkan.