UEFA Oo Shaacisay In Tababare Diego Simeone Uu Ganaax La Kulmi Doono Kaddib Dabbaal-deggii Dhaqan-xumada Ahaa

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ganaax ku ridaysa tababaraha kooxda kubadda cagta Atletico Madrid, Diego Simeone kaddib markii uu sameeyey dabbaal-deg anshax-darro ah kulankii Juventus ee Arbacadii hore.

Tababaraha kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa si waalli ah ugu damaashaaday guushii kooxdiisu kasoo hoysay kulankaas, waxaana uu warbaahinta la wadaagay hadal anshaxa suubban ka baxsan oo uu kusoo hal-qabsaday xubintiisa tartanka.

Simeone ayaa markii uu Jose Maria Gimenez u dhaliyey goolka koowaad ciyaartii 2-0 ay Arbacadii kaga adkaadeen Juventus, waxa uu gacantiisa ku qabtay xubintiisa tartanka, waxaanu yidhi hadalkan: “Waxaanu leenahay xiniinyo badan”

Isaga oo la hadlayey warbaahinta ciyaarta kaddib ayaa uu raalligelin ka bixiyey hadalkaas iyo dabbaal-deggiisaba, waxaana uu cudurdaar u sameeyey falka uu ku kacay, isaga oo ku dooday in ay xiniinyo badan u baahan tahay in garoonka laga saaro Koke iyo Diego Costa oo uu labadoodaba beddelay.

Diego Simeone ayaa waajidi doona ugu yaraan afar ciyaarood oo ganaax ah oo aanu kasoo xaadiri doonin laacibiintiisa agtooda, amaba ganaax lagaceed.

Guddia anshaxa iyo dhaqanka suubban ee UEFA ayaa shaacin doona ganaaxa tababarahan oo sannadkii horena afar ciyaarood laga ganaaxay tartanka Europa League, isla markaana aan nasiib u yeelanin inuu xiddigihiisa soo dhex-galo finalkii tartankaas ee Arsenal ay kaga guuleysteen.