Waa Inaad Haysato Boqorad Ilmada Kuu Qubta – Oohinta Gacalisada Ronaldo Oo Qabsatay Baraha Bulshada

Guushii Juventus ay ka gaadhay Atletico Madrid kulankii ay xalay ku martigelisay Allianz Stadium, waxay baraha bulshada ka abuurtay falcelin khaas u ah qoyska Cristiano Ronaldo oo dareen kalgacayl ka dhex abuuray garoonka.

Markii uu Cristiano Ronaldo dhaliyey goolka saddexaad ee sababta u noqday in Juventus ay u gudubto wareegga sideed dhamaadka, waxa garoonka dhexdiisa ilmadu kaga qubatay xaaskiisa Georgina Rodriguez oo farxad darteed la oyday.

Shaashadihii ciyaarta baahinayey ayaa mar kaliya u leexday dhinaca xaaska Ronaldo ee Georgina Rodriguez oo iska tirtiraysa ilmo farxadeed, halka curadkiisa oo lagu magacaabo Ronaldo Jr uu farxad darteed la boodboodayey, xubnaha kale ee qoyskuna isku dhageen.

Ronaldo oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inay u ahhayd habeen gaar ah oo ay heleen maskaxdii ay uga baahnaayeen tartanka Champions League.

“Waa habeen gaar ah oo aanu helnay maskaxdii aanu uga baahnayn Champions League. Tani waa sababta ay Juve halkan ii keentay, inaan caawiyo habeennada mucjisada sida kan oo kale.” Sidaas ayuu yidhi ROnaldo.

Inay habeen gaar ah u tahay caddayn kale uma baahna, sababtoo ah ilmada ka qubatay Georgina Rodriguez ayaa wax walba bannaanka keentay.

Waxay ahayd dhacdo ugub ah maadaama aan hore loo arag ciyaartoy ay xaaskiisu ka dhex-ooyayso garoonka, iyadoo waliba aanay ku guuleysanin wax koob ah, balse kaliya ay wareegga 16ka ee Champions League kasoo gudbeen.

Markii ay ciyaartu dhamaatay ee ay gurigeeda ku noqotay, Georgina Rodriguez ayaa barteeda bulshada ee Instagram waxay soo dhigtay sawirka curadka Ronaldo iyo hadal ka turjumayey marxaladdii ay ku jirtay.

“Qofna ma xadi karo 3-0. Waad u qalantaa saddexda gool ee aad dhalisay caawa. Waad u qalantaa naf-hurnimada iyo waxa aad siisay kooxda aad joogto. Waxaad tahay rikoodhka ciyaartoyga, tababaraha iyo qof kasta aanu la dhacsanahay ee aanu taageerno maalin kasta. Tusaale ayaad ka tagtay. Allah ayaa og oo ku siiyey, dunida kubadda cagtuna garabkaaga weeye. WAANU KU JECEL NAHAY. Cristianito, Mateo, Eva, Alana, Georginio”

Hadalkan qiirada leh kaddib, baraha bulshada waxa sida daadka ugu baahay falcelinta jamaahiirta.

Obinna Onuoaha ayaa barta Twitterka ku yidhi: “Boqorow, hel boqorad sida Georgina Wodriguez ah oo dadka hortiisa ilmada kuu daadisa iyadoo muujinaysa inaad wanaagsan tahay.”

Halkan ka daawo oohintii Georgina, kana akhriso falcelintii jamaahiirta Ronaldo: