“Waa La Iibsaday Codadkii” – Cristiano Ronaldo Walaalihii Oo Weerartay Go’aankii Luka Modric Lagu Siiyey Ballon d’Or.

Gabadha la dhalatay Cristiano Ronaldo ee Elma Aveiro ayaa si adag uga soo hojeedsatay codbixintii France Football ee abaalmarinta Ballon d’Or lagu siiyey laacibka reer Croatia ee Luka Modric.

Elma Aveiro oo ay da’deedu tahay 39 jir, laguna yaqaano inay wax walba ku garab istaagto walaalkeed, ayaa waxay sheegtay in la dhacay codadkii, isla markaana lacag lagu beddeshay si Modric loo siiyey.

Elmo oo baraha bulshada si weyn u qabsatay, ayaa waxay ku eedaysay wargeyska France Football inay ku shaqeeyaan qaab budhcadnimo ah oo qofka lacag bixiya ay siiyaan abaalmarinta.

Gabadhan oo ay walaalo yihiin Katia oo sidan oo kale dhawr bilood ka hor u weerartay FIFA markii Modric ay siiyeen abaal-marinta The Best, ayaa waxa farriin ay ku baahisay barteeda bulshada, waxay ku sheegtay in budhcad ay heshay codadkii, la boobay, isla markaana ay heshay Maafiyo lacag ku beddelatay.

“Waa nasiib darro ku dhacday dunidan aynu ku noolahay, waa la boobay, maafiyo ayaa lacag ku beddelatay. Laakiin awoodda Allah ayaa mar walba ka weyn waxa la boobay oo dhan. Allah ayaa waqtiga haya, mana fashilmi doono (Ronaldo)” Sidaas ayay ku tidhi qoraalka ay soo dhigtay barteeda bulshada.

Gabadha kale ee ay walaalaha yihiin Ronaldo ee Katia ayaa waxay iyaduna barteeda bulshada soo dhigtay sawirka Ronaldo oo kor u haya abaal-marintii uu sannadkii hore ku guuleystay waxaanay raacisay eyeyo kooban oo ay ku tidhi: “Waa ciyaartoyga ugu wanaagsan dunida… ee ay isku raacsan yihiin kuwa fahamsan kubadda cagtu.”