Waa Maxay Sababta Loo Beddelayo Midabka Dharka XULKA QARANKA France Ciyaarta Iceland?

Xulka qaranka France ee ku guuleystay Koobkii Adduunka ee sannadkii hore lagu qabtay Ruushka ayaa dagaal ugu jira inuu boos ku yeesho tartanka Qaramada Yurub ee Euro 2020, waxaana caawa ay la ciyaari doonaan dalka Iceland oo ay ku martigelin doonaan garoonka Stade de France.

Ciyaartoyga xulka qaranka France ma xidhan doonaan caawa dharkii lagu yaqaanay, waxaana isbeddel lagu samaynayaa midabka iyo sidoo kale naqshadda ay u samaysan yihiin labadaba.

Inta nasiibka u yeelata inay garoonka tagto iyo inta muraayadaha ka daawanaysaba, waxay caawa indhahoodu qaban doonaan xulka qaranka France oo midab buluug fadhiya ah ku ciyaaraya, kaas oo si gaar ah loogu naqshadeeyey xuska April 7 oo ku beegan sannad-guuradii 100aad ee kasoo wareegtay xilligii la aas-aasay xidhiidhka kubadda cagta France.

Ciyaartoyga ayaa xilli horeba lagu sii tijaabiyey dharkan, waxaana lagu baahiyey baraha bulshada gaar ahaan Twitterka iyagoo laacibiintu si tijaabo ah u xidhan yihiin.

Midabkan sida gaarka ah loogu sameeyey xuska sanand-guurada 100aad ee xidhiidhka kubadda cagta France, ayaa lasoo horreysiiyey maadaama April 7 aanay ciyaartoygu heli doonin fasax ay qarankooda ugu ciyaaraan kulan lagu  weynaynayo maalintan.

Halkan ka daawo midabbada dharka ee lagu sii tijaabiyey ciyaaryahannada qaarkood