WAREER: N’Golo Kante, Rabiot, Sancho & Koulibaly – Sidee Ayey Noqon Doontaa Shaxda Manchester United

Tababare Jose Mourinho ayaa ku hawlan sidii uu ugu qancin lahaa maamulka sare ee kooxdiisa inay usoo iibiyaan ciyaartooyo isbeddel ku sameeya naadiga oo kusoo celiya guulaha labada xilli suuq ee Jiilaalka iyo xagaaga ee soo socda, kuwaas oo uu u calaamadsaday ciyaartooyo helistoodu adag tahay oo lacag badan kaga bixi doonto.

Mourinho oo ka niyad jabsanaa sidii kooxdiisu uga hawl-gashay suuqyada xagaagii tegay, ayaa waxa uu doonayaa ciyaartooyo ay qaarkood ku sugan yihiin kooxaha ku tartamaya horyaalka Premier League, waxaanay u muuqataa inay ku adkaan doonto, balse sida uu qoray wargeys kasoo baxa UK oo aad loo tixgeliyo, laacibka Chelsea ee N’Golo Kante ayaa udub-dhexaad ka ah qorshaha tababare Mourinho.

Ugu horreyn waxa uu Mourinho doonayaa in difaaca loogu soo kordhiyo halyeyga Napoli ee Kalidou Koulibaly naadigiisu ay hore u shaaciyeen in aanay ku iibinaynin wax ka yar £90 milyan, iyagoo horena gaashaanka ugu dhuftay dalab lagu qiyaasay £00 milyan oo United ka gudbisay.

Laacibka labaad ee uu doonayo Mourinho waa xiddiga khadka dhexe ee kooxda PSG, Adrien Rabiot oo uu qandaraaskiisu dhamaanayo marka uu xili ciyaareedkani dhamaado, sida uu qoray wargeyska Don Balon ee kasoo baxa Spain na waxa United kula tartamaysa Barcelona oo uga dhow marka la eego qancinta ciyaartoyga, hase yeeshee, waxa uu Mourinho doonayaa in kooxdiisu ka faa’iidaysato bisha January oo ay PSG ku qanciso inay ka iibiyaan maadaama uu xagaaga si xor ah uga tegi doono haddii aanay sidaas yeelin.

Dalabka madax wareerka ah ee uu Mourinho doonayo in maamulka kooxdiisu usoo hirgeliyaan waa N’Golo Kante oo khadka dhexe uga ciyaara Chelsea, kaas oo uu aaminsan yahay inuu tamar, karti iyo awood cusub oo dhaqdhaqaaq iyo hirdan ahba kusoo kordhin doono khadkiisa dhexe, iyadoo uu caawin doono Nemanja Matic iyo xiddiga reer Brazil ee aan booska haysanin ee Fred.

27 jirkan akhlaaqadda badan ee Faransiiska kula guuleystay Koobkii Adduunka ayaa la sheegay inuu dhegaysan karayo dalabyo ka yimaadda kooxo kale haddii Chelsea ay xili ciyaareedka dambe usoo bixi weydo tartanka Champions League, waana arrinta uu doonayo inuu ka faa’iidayso Mourinho.

Qorshaha Mourinho waxa soo xidhaya da’yarka Ingiriiska ah ee Jadon Sancho oo kulankiisii ugu horreeyey Jimcihii u ciyaaray xulka qaranka England, balse xili ciyaareedkan wacdaro ka dhigay horyaalka dalka Germany ee Bundesliga oo kooxdiisa Borussia Dortmund uu ka caawiyey inay hoggaanka ku kaliyeysato, isla markaana toddobaadkii hore si xun u xasuuqdo Bayern Munich.

18 jirkan ayaa ay si weyn induhu u hayaan, waxaana tababare Murinho uu doonayaa inuu u beddelo Alexis Sanchez iyo Marcus Rashford oo aanu qaab-ciyaareedkooda la dhacsanayn.

Shaxda Manchester United ee haddii afartan ciyaartoy yimaaddaan: