Wayne Rooney Oo Magacaabay Labada Kooxood Ee Doonayo Inay Iskugu Yimaaddaan Finalka Champions League

Weeraryahankii hore ee kooxda kubadda cagta Manchester United, Wayne Rooney ayaa shaaciyey labada kooxood ee uu doonayo inay iskugu soo hadhaan finalka tartanka Champions League.

Rooney oo hadda u ciyaara kooxda DC United ee ka dhisan waddanka Maraykanka ayaa sannadkii 2008 waxa uu Manchester United kula guuleystay Champions League, laakiin sannadkan uma muuqato ifafaale ay kooxdiisa hore ku hanan karto tartankan.

Wayne Rooney oo u warramayey warbaahinta DAZN, ayaa waxa uu xusay inuu aaminsan yahay, jecel yahayna in kooxda ay colaadda weyn ka dhaxayso naadigiisa ee Manchester City ay usoo baxdo finalka, isla markaana ay iskaga hor yimaaddaan Barcelona.

Labadan kooxood ayaa uu tilmaamay inay yihiin kuwa uu kubaddooda jecel yahay, hase yeeshee waxa uu niyad jab u rajeeyey Man City.

“Waxaan doonayaa in Manchester City iyo Barcelona ay iskugu yimaaddaan. Waxa kale oo aan idiin sheegi karaa inaan doonayo in Barcelona ay ka guuleysato.” Sidaas ayuu yidhi Wayne Rooney.

Finalka Champions League ayaa waxa sannadkan lagu qaban doonaa magaalada Madrid, gaar ahaan garoonka qurux badan ee Wanda Metropolitano oo ay iska leedahay Atletico Madrid.