Xiddigaha Walalaha Ah Ee Rashford & Arnold Oo Qoryo Lagu Weeraray Maqaaxi Ku Taala Manchester

Laba wiil oo la dhalatay xiddigaha qaranka England Marcus Rashford iyo Trent Alexander-Arnold ayaa sabtidii qoryo lagu weeraray iyagoo ku sugan maqaaxi ku taala magaalada Manchester sida ay sheegayaan warbixino Ingiriiska ka imaanaya.

Walaalka Rashford [Dane] iyo Tyler Alexander-Arnold ayaa halis weyn galay abaara 10:30am xiliga UK iyagoo ku sugan maqaaxida Little Rock sida lagu shaaciyay shabakadda Mail.

Booliiska ayaa loo sheegay in labadaas dhalinyaro iyo saaxiibkooda sadexaad ay soo weerareen kooxo burcad ah oo qoryo ku hubeysan kuwaas oo doonayay iney dhacaan.

Walaalaha labada ciyaartoy ayaa maqaaxida orod uga baxay, waxaana la geeyay isbitaalka Royal Infirmary Hospital ee ku yaala magaalada Manchester walow la sheegay inuusan dhaawac weyn soo gaarin.

Walaalka Arnold waxaa laga qaatay gaari nuuciisa yahay Range Rover, boorso iyo saacad.

Booliiska waxey xaqiijiyeen in lix qofood loo xiray si su’aalo looga weydiiyo dhaca ka dhacay goobta kuwaas oo ay da’doodu u dhaxeyso 17 ilaa 58.

Tuugada alaabo badan ayey ka qaateen maqaaxida, balse markii dambe gaariga uu lahaa Arnold walaalkiis waxaa laga helay meel u dhaw Fallowfield.

Labada xiddig ee qaranka England ayaa kooxahooda guulo la gaaray, Reds waxey 1-0 ku dishay Brighton & Hove Albion, halka Red Devils ay gool madi ah ku muquunisay Spurs iyadoo Rashford uu dhaliyay goolka qura.