Xiddigihii Ay U Baaba’day Kooxdii Weynayd Ee Cleveland Ee LeBron James Iyo Kyrie Irving Oo Xalay Isku Jabay, Boston Celtics Oo Daqiiqaddii Ugu Dambaysay Uu Niyad-jabiyey Laacib Hore Uga Tegay Iyo Natiijooyinka Ciyaarihii NBA

Kooxda Los Angeles Lakers ayaa daqiiqaddii ugu dambaysay hal dhibic oo kaliya ka sare martay Boston Celtics oo ay marti ugu ahayd garoonka quruxda badan ee TD Garden, waxaana ay damaashaad badan samaysay isla markii lagu dhawaaqay siidhiga dhamaadka ciyaarta.

Lakers ayaa kulan saaka waqtigii Salaadda subax ee saacadda Geeska Afrika ka bilaabmay magaalada Boston, waxay isku haleeleen Celtics oo xili ciyaareedkan urursatay laacibiin waaweyn, hase yeeshee Lakers oo wadata halyeyga LeBron James iyo Rajon Rondo ayaa waxay jilbaha isku dhigeen kulan laysk raftay oo illaa daqiiqaddii ugu dambaysay ay kooxuhu isku dhegsanaayeen.

Rajon Rondo oo hore ugu ciyaari jiray Boston Celtics ayaa dhaliyey 17 dhibcood, isla markaana caawiyey 10 kale oo asxaabtiisu dhaliyeen, waxaana uu ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey toogasho laba dhibcood ah oo uu sameeyey uu kaga dhigay natiijada ciyaarta 129-128 oo naadigiisa uu guusha ugu horseeday.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xamaasad badnayd, ayaa waxa bandhig ciyaareed cajiib ah sameeyey LeBron James oo dhaliyey 28 dhibcood, sidoo kalena sameeyey 12 kubbad-qabasho (rebound) iyo 12 caawimood, iyadoo uu ka dagaallamayey inay ku dhacdo guul-darradii Salaasadii kasoo gaadhay Indiana Pacers inay mar kale ku habsato ciyaartii xalay ee Boston Celtics.

Kulankan waxa Boston Celtics u ciyaarayay Kyrie Irving oo ay LeBron James u wada ciyaari jireen Cleveland Cavaliers oo markii ay labadooduba ka tageen noqotay kooxda ugu liidata horyaalka NBA-da, isla markaana laba kooxood oo kali ahi ay ka hooseeyaan, kuna jirta kaalinta 28aad oo ay dhowaan soo gashay markii ay kasoo kacday kaalinta 30aad.

Kulamadii kale ee xalay dhacay

Oklahoma City Thunder ayaa waxay burburisay, isla markaana sida daadka u jiidhay Memphis Griezzlies oo ay ku karbaashtay 117-95.

Halyeyga Russell Westbrook ayaa wacdaro ka dhigay ciyaartan, waxaana uu kalidii dhaliyey 15 dhibcood, 15 caawimood iyo 13 kubbad qabasho, waxaana uu ahaa udub-dhexaadka bandhigga wanaagsan ee kooxdiisa oo tobankii ciyaarood ee ugu dambeeyey sagaal ka mid ah guuleysatay.

Toronto Raptors ayaa iyaduna xilli dambe u dagaallantay guul ay ka gaadhay Atlanta Hawks oo ay ku dhaaftay 119-101, halka San Antonio Spurs ay guul-darradii saddexaad oo xidhiidh ah xalay saaka ku diiwaangashay ciyaar ay marti ugu ahayd Portuland Trail Blazers oo kaga adkaatay 127-118.

Orlando Magaci ayaa guul kasoo hoysay ciyaarteedii xalay ay ku martigelisay Minnesota Timberwolves, waxaanay ku kala baxeen 122-112.

Ciyaaraha caawa 

Detroit Pistons vs New York Knicks – 3:00 AM – Saacadda Geeska Afrika
Philadelphia 76ers vs Denver Nuggets  – 3:00 AM – Saacadda Geeska Afrika
Washington Wizards vs Cleveland Cavaliers  – 3:00 AM – Saacadda Geeska Afrika
Brooklyn Nets vs Chicago Bulls  – 3:30 AM – Saacadda Geeska Afrika
Dallas Mavericks vs Milwaukee Bucks   – 4:30 AM – Saacadda Geeska Afrika
Phoenix Suns vs Golden State Warriors  – 5:00 AM – Saacadda Geeska Afrika
New Orleans Pelicans vs Minnesota Timberwolves   – 5:30 AM – Saacadda Geeska Afrika
Sacramento Kings vs Miami Heat   – 6:00 AM – Saacadda Geeska Afrika
Dhamaan ciyaarahan iyo kuwa kubadda cagtaba, waxaad si toos ah uga daawan kartaa shabakadda ciyaaraha www.cadalool.net