XOG: Halkee Ayey Barcelona Ku Jiri Lahayd Haddii Lionel Messi Uu Xili Ciyaareedkan U Safan Lahaa Real Madrid? – Akhriso Rajo La’aanta Barca Ee Messi La’aantii

December illaa March – Barca waxay kusoo nooqn lahayd jidka guusha

Iyadoo 15 dhibcood ka dambaysa Real Madrid ayay Barcelona geli lahayd bisha December, waxaase ay ugu bilaabmi lahayd jawi wanaagsan, iyadoo 1-0 kaga adkaan lahayd Real Madrid, waxaanay ka badbaadi lahayd khasaare illaa badhtamaha bisha March, laakiin saddex kulan oo guul la’aan ah kaddib, waxay ku dhamaysan lahayd kaalinta 4aad ee horyaalka iyadoo isreeb-reeb usoo geli lahayd tartanka Champions League ee xili ciyaareedka dambe.

Atletico Madrid iyo Sevilla ayaa xattaa ka sarrayn lahaa Barcelona, waxaanay saddex dhibcood oo kaliya ka sarrayn lahayd naadiga kaalinta shanaad ee Valencia.

Real Madrid ayaa si fudud gacanta ugu dhigi lahayd horyaalka LaLiga iyadoo ku dhamaysan lahayd 98 dhibcood, halka Sevilla iyo Atletico Madrid ay min 83 dhibcood haysan lahaayeen, taaas oo ka dhigan in 15 dhibcood ay ka sarrayn lahayd kooxda kusoo xigta.

Sidaas oo kale, Real Madrid waxay mar kale ku guuleysan lahayd tartanka Champions League.

Marka ay ciyaaraha horyaalku marayaan 34 kulan, Messi waxa uu haysan lahaa 20 gool iyo sagaal caawimood, waana mid ka hoosaysa bandhigga shaqsiga ah ee uu hadda ku muujiyo Barcelona.

Jamaahiirta Barcelona ayaa noqon lahaa kuwo madax-xanuun ku dilo garoomada oo safarka u raaca kooxdooda iyagoo ka walaacsan hubanti la’aan ah inay kooxdoodu guul helayso, nasiib wanaag, xogtan ayaa ah mid male-awaal ah, waxaase lagu salleeyey haddii ay dhici lahayd in Messi uu tago Real Madrid sida ay Barcelona noqon lahayd.