XOG: Kaddib Dhamaadka Musalsalkii Taxanaha Ahaa Ee Ronaldo Iyo Messi, Waa Kuwee 6-da Ciyaartoy Ee Sannadka Dambe Ku Tartami Kara Ballon D’Or

Luka Modric ayaa xalay soo afjaray musalsalkii taxanaha ahaa ee tobanka sannadood socday ee ay jileyaasha ka ahaayeen Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, kuwaas oo dunida qabsaday intii ka dambaysay sannadkii 2007 oo ah waqtigii uu ciyaartoygii ugu dambeeyey ee aan labadooda ahayn ku guuleysto abaalmarinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or.

Sannadkii 2007, halyeygii reer Brazil ee Kaka ayaa hantiyey xiddiga adduunka, laakiin waxa garbihiisa taagnaa Lionel Messi iyo ninka ay is eryanayaan, balse xiddiga reer Argentine ayaa markii ugu horreysay tan iyo 2006 ka maqnaaday liiska saddexda ciyaartoy ee ugu wanaagsan, isagoo kaalinta shanaad galay.

12-kii bilood ee ugu dambeeyey, labadooduba, Ronaldo iyo Messi, waxay sameeyeen bandhig cajiib ah oo ay ku guuleysteen Koobab badan, balse waxa isbaaro u dhigtaay Luka Modric oo ka urursaday dhamaan abaalmarinihii shaqsiga ahaa ee bandhigga la xidhiidhay oo aanay ku jirin kuwa lagu bixiyo gool-dhalintu.

Guusha Modric, waxay fasax siisay Ronaldo iyo Messi oo musalsalkoodii dhamaaday amaba ugu yaraan uu fasax kooban oo sannad ah galay, laakiin xili ciyaareedkan socda ayaa waxa soo bixi kara laacibiin kale oo isbaaro dhigan kara sida Modric oo kale, kuwaas oo jidka abaalmarinta ka xidhi kara Messi-Ronaldo.

Haddaba waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa lix ciyaartoy oo dhamaadka sannadka dambe Luka Modric kala wareegi doona abaal-marinta isla markaana boodhka ku qasi doona Messi iyo Ronaldo.

Neymar

Inkasta oo kaalinta 12aad uu xalay ku dhamaystay, haddana way adag tahay in murashaxiinta xiddiga adduunka laga saaro magaciisa.

Marka laga yimaaddo Ronaldo iyo Messi waxa uu ahaa laacibka loo saadaalinayey inuu ka beddelo fagaareyaasha, taasina waxay sare usii kacday markii uu noqday ciyaartoyga dunida ugu qaalisan ee uu PSG tegay, balse waxa uu la kulmay caqabad ah in horyaalka Ligue 1 oo ka hooseeya tartamada kale uu kusoo geli waayo qiimaynta sare.

Haddii kooxdiisa PSG ay ku guuleysato Champions League, dalkiisa Brazil na ka caawiyo inay qaadaan tartanka Copa America isla markaana uu sii ahaado hoggaamiyaha naadiga ee haddaba uu ka boobay Edinson Cavani, waxa uu noqon karaa laacibka bisha December ee sannadka dambe magaalada Paris lagu guddoonsiiyo Ballon d’Or.

Kasii akhri boggaga 2 & 3