XOG: SADDEXDA Arrimood Ee Barcelona Ka Caawin Doona Inay Ku Tumato Liverpool Iyo Xogta Faahfaahsan Ee Daliilka Ah

Liverpool ayaa imtixaankeedii ugu weynaa ee Champions League maraysa xili ciyaareedkan, waxaanay u tegaysaa Barcelona oo ay semifinalka isku haleeli doonaan lugta koowaad garoonka Camp Nou ka hor inta aanay toddobaadka dambe iskugu imanin Anfield.

Iyadoo wali aanay qalbiyadooda ka gu’in murugada xasuusta xun ee Real Madrid ay ugu geysatay finalkii Champions League ee xili ciyaareedkii hore, Liverpool waxay markan is helayaan cadowga ugu weyn ee kooxdaas hore dakharrada xanuunka badan usoo gaadhsiisay, waana Barcelona, waxayna u baahan tahay inay ka takhalusto kooxdan awoodda badan si ay markii labaad oo xidhiidh ah iskaga xaadiriso kulanka finalka oo sannadkan lagu qabanayo Wanda Metropolitano oo ah hoyga Atletico Madrid.

Dhaawac garabka ka gaadhay Mohamed Salah ciyaarta oo aan wax badan soconin oo uu usii raacay bandhiggii liitay ee goolhaye Loris Karius, ayaa waxay sababeen in Reds ay Real Madrid kaga adkaato 3-1, waxaana goolka hore dhaliyey Karim Benzema oo uu goolhaye Karius kubbad hadiyad ah siiyey iyo Gareth Bale oo kubbad uu meel fog kaga soo toogtay uu u fasaxay inay shabaqiisa iska gasho, halka uu mid kale oo qalaama-rogod ahaana usii raaciyey.

Si kastaba ha ahaatee, wiilasha Jurgen Klopp xoog cusub ayay mar kale lasoo laabteen xili ciyaareedkan, waxaanay soo gaadheen semi-finalka iyagoon dhibaatooyin badan soo marin, laakiin waxa doorkan hor taagan FC Barcelona oo ah kooxda loo saadaalinayo inay koobka ku guuleysanayso.

Kooxda reer Spain ee Barcelona, waxay wareeggii siddeed dhamaadka kusoo reebtay Manchester United, waxaanay guushaasi u xaqiijisay in markii ugu horreysay muddo afar sannadood ah ay yimaaddaan semi-finalka. Dhinaca kale, Reds ayaa soo burburisay kooxda reer Portugal ee FC Porto oo isku-darka labadii lugood ay kaga soo adkaatay 6-1.

Kooxda tababare Klopp saddex jeer ayaa laga soo badiyey tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, laakiin Barcelona hal marna lagama soo adkaanin.

Haddaba, shabakadda ciyaaraha ee Cadalool waxay halkan idiinku soo gudbinaysaa saddex arrimood oo sabab u noqon doona in Barcelona ay Liverpool ku taraacdo kulamada labada ah ee semi-finalka, una fududayn doona inay ciyaarta ugu dambaysa ee finalka gaadho.

Riix 2, 3 & 4 si aad u wada akhrisato