XOG: Saddexdii Arrimood Ee Manchester United Ka Caawiyey Inay Garaacdo Juventus

3. Dayacaaddii Banayd ee Juventus ayaa ciyaarta siisay Manchester United

Fursado badan oo caddaan ah oo ay goolka la hor-tageen ciyaartooyada Juventus ayaanay ka faa’iidaysanin, haddii ay dhalin lahaayeena waqti hore ayaa ay Manchester United kala daadan lahayd, manay awooddeen inay soo laabato.

Sami Khedira ayaa u dhawaaday inuu goolka dhaliyo isagoo u jira 6 yard oo kaliya, waxaana mid kale khasaariyey Dybala oo sidoo kalena birta ka jaray kubbad uu goolhaye David de Gea hawaysan waayey, laakiin labadan oo kaliya may ahayn kuwa fursadaha lumiyey, waxaase ugu darnaa Pjanic iyo Cuadrado oo ay ahayd in lagu qoro liiska dhaliyeyaasha ciyaarta.

Marka laga yimaaddo goolka uu Cristiano Ronaldo dhaliyey daqiiqaddii 25aad ee qaybtii dambe iyo afarta fursadood ee Khedira, Dybala, Pjanic iyo Cuadrado, waxa kale oo jiray goolal kale oo ay Juventus dhashan karaysay.

2 Wada-shaqayntii wanaagsanayd ee Manchester United

Chris Smalling iyo Victor Lindelof ayaa si adag iskugu xidhmay, waxaanay u babbac-dhigeen weerarkii badnaa ee Manchester United oo ay ka diideen fursado badan oo goolal noqon lahaa haddii aanay heegan ahayn. Shaqada ugu weyn waxa qabtay Lindelof oo mar walba u muuqday ninka dhibaatada ku ah Ronaldo iyo Pogba.

Anthony Martial iyo Alexis Sanchez oo afka hore mataano ku ahaa ayaa si fiican u wada shaqaynayey, waxaana dhinaca bidix ka buurmay saddexley xidhiidhsan oo ahaa Shaw-Pogba-Martial, kuwaas oo difaac ahaan iyo weerar ahaanba wada-jir u samaynayey.

Jesse Lingard oo kasoo laabtay dhaawac ayaa si adag ula shaqeeyey Ashley Young oo laf-dhuungashay ku noqday Alex Sandro, laakiin wax-qabadkii Pogba ee qaybta dambe ayaa ahayd wax aan la qiyaasi karin inkasta oo khaladaad dhawr ah uu sameeyey, waxaana uu keenay laaggii xorta ahaa ee uu Juan Mata u beddelay goolka.

Waxa kale oo ciyaartooyada Manchester United ka muuqatay kalsooni badan iyo in aanay xasuusnayn sidii kulankii hore ay Juventus ugu garaacday Old Trafford, baqasho la’aan ayaanay siday doonaan ugu ciyaareen.

Arrintani waxay keentay in ugu dambayntii ay u dabbaal-degaan guul ay aad ugu baahnaayeen.