XOG: Saddexdii Arrimood Ee Sababay Inay Barbar-dhac Ku Dhamaato Ciyaartii Xalay Ee Man United vs Arsenal – Miyuu Garsooruhu Qayb Ka Ahaa?

Garsoorihii ciyaarta

Inkasta oo ciyaartu xaqxagasho iyo xafiiltan badnayd, khaladaad badanna dhaceen, haddana garsoore Andre Marriner waxa uu bixiyey shan kaadh oo dingiin ah lix daqiiqadood gudahood qaybtii hore, waxaanay ahayd ishaaro muujinaysa in kaadhadh cas oo badanna xigi doonaan.

Dhamaadka qaybtii hore, waxa ciyaartu ku sigatay in kaadhkii ugu horreeyey uu garsooruhu lasoo baxo oo uu dibedda kaga dhigo hal ciyaartoy, laakiin ugu dambayn degganaan uu sameeyey garsoore Marriner oo labada kooxoodba ka cawdeen ayaa ka badbaadiyey inay kaadh cas ku baxaan qaar ka mid ah ciyaartoygoodu.

Ciyaartoyga ay ahayd inuu kaadhka cas qaato waa difaaca reer Argentine ee Marcos Rojo oo nasiibkiisa wanaagsan kaga badbaaday in garsooruhu jeebka gacanta geliyo.

Goolal isku dhow

Difaaca labada kooxoodba waxa ka muuqatay difiicnimo, ciyaartana waxa xiiso gaar ah u yeelatay goolasha aan waqtiga badan u dhaxaynin ee ay iska dhaliyeen.

Ciyaarta quruxdeeda waxa iska lahayd Arsenal oo goolashana la hor martay, United na dhibaatada waxa u horseeday goolhayaheeda David de Gea oo ogolaaday in kubbad madax uu ku dhuftay Mustafi ay sahal farihiisa kaga baxsato taas oo Herrera oo goolka dhex-taagnaa uu ka badbaadin kari waayey inay diillinta ka gudubto.

Lacazette ayaa runta u sheegay difaaca Manchester United oo goolka labaad kaga dhaliyey liitinimadooda darteed, laakiin maxaa xigay? 15 sikin kaddib goolka Lacazette waxa damaashaadday Manchester United oo Jesse Lingard uu u dhaliyey goolka barbar-dhaca, waxaana uu goolkaasi ahaa midka gunaanadka goolasha kulankan qiimaha badnaa.

Si kastaba ha ahaatee saddexda arrimood ee aynu sare kusoo sheegnay ayaa sabab u ahaa in labada kooxood ee Manchester United iyo Arsenal ay dhibcaha ku wadagaan garoonka Old Trafford.