XUSUUS: Xavi illaa Thierry Henry – Shan Ciyaartoy Oo Xaq U Lahaa Ballon d’Or Oo Caddaalad Darro Lagu Sameeyey Iyo Qisada Bandhiggii Ay Ku Kasbadeen Ee Laga Duudsiyey

Qiimayntu yey kaa qaldamin, Luka Modric waxa uu ka mid yahay ciyaaryahannada khadka dhexe ee ugu wanaagsan cahdigiisa, laakiin halkee ayay dhibaatadu ka timid?

Kubbad sameeyaha Real Madrid ayaa xiddignimada dunida ee abaal-marinta Ballon d’Or kaga guuleystay Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo muddo toban sannadood ah kaligood isku dhiibayey, waxaana xaflad qurux badan oo Isniintii lagu qabtay Paris lagu guddoonsiiyey biladda dahabka ah ee sannadka 2018, taas oo abuurta falcelin iyo dareen badan.

Marka la eego saamayntii uu ku lahaa Madrid oo uu ka caawiyey inay ku guuleysato Champions League, dalkiisa Croatia na geeyey finalka Koobka Adduunka oo ugu dambayn Faransiiska kaga guuleystay, waa ciyaartoyga ugu habboon ee soo afjari karayey musalsalka taxanaha ah ee Messi-Ronaldo ee sannadaha badan ay daawanayeen mucaashaqiinta ciyaaruhu.

Haddaba guushan Modric, waxay dadka dib usoo xasuusisay ciyaartooyo kale oo halbowleyaal ka ahaa kooxahooda, kuwaas oo haddii qiimaynta xiddiga Croatia oo kale lagu samayn lahaa meel cidlo ah ka qaadan lahaa Ballon d’Or laakiin ay jidka u galeen xiddigo ka bandhig wanaagsanaa oo ka badsaday codadkii la dhiibtay, waxaananu halkan idiinku soo bandhigaynaa shan laacib oo tirsanaya in caddaalad darro ay ku dhacday oo ay ahayd in buugga taariikhdooda ay dhinac kaga xardhanaato Ballon d’Or.

Wesley Sneijder

Xasuuso wixii uu sameeyey 2010 markii uu Wesley Sneijder qaatay xilli ciyaareed cajiib ah oo uu ku guuleystay wax walba marka laga reebo Koobkii Adduunka oo uu finalka tegay. Waxa uu xili ciyaareedkaas ku guuleystay tartanka Champions League oo uu ahaa hoggaamiyihii saaciday Inter Milan, sidoo kalena Serie A ugu daray ka hor intii aanu tegin waddanka Koonfur Afrika oo uu ka dhacay Koobkii Adduunka, halkaas oo uu dalkiisa Holland ka dhigay mid jamaahiirta dib usoo xasuusiyey cahdigii Ruud Gullit, Van Pasten, Rijkaard iyo haleeyadii kale ee dalkaas dunida ku hoggaamin jiray kubadda quruxda badan.

Ciyaartii finalka waxay iskugu soo hadheen Spain, waxaana gool xili dambe ah dhaliyey Andres Iniesta, waxaana Sneijder oo bandhiggiisii wanaagsanaa ka caawin waayey hanashada Koobka Adduunka uu garoonka kaga baxay ilmo iyo oohin.

Waxa layaab lahayd, in Wesley Sneijder oo waxaas oo dhan sameeyey aanu haddana kusoo bixin liiska saddexda ciyaartoy ee ku tartamay abaal-marinta Ballon d’Or oo uu Messi kaga guuleystay Iniesta oo la tartamay.

Haddaba ma jirtaa cid maanta raalligelin siinaysa Wesley Sneijder, isla markaana u qiraysa inuu sameeyey bandhig ciyaareed u goyn karayey Ballon d’Or?

Warbixinta oo dhan kasii akhri bogga 2